|

Waxaan wareesi xiiso badan la yeelanay Con macoow waxana uu ka hadlayaa xalada iminka tagan ee Somaliya .
Guji halkan |
|
Baraarujin qaybtii 5aad
Waxaan Maanta wax kasoo qaadanaynaa joornaal ay soo saari jireen, mujaahidiintii Waqooyi Bari-Soomaaliya ka dagaalami jiray, Joornaalkaas oo la oran jiray Al-jihaad cadadkii 1aad ee soo baxay 2.9.1992, wuxuuna wax ka qoray waxyaabo badan oo maanta taagan!!! Waxyaabaha uu qoray waa badan yihiin laakiin waxaan isku deyayaa in aan ka soo qaado qaybo ka mid ah, waxaana ka mid ah:-
1-Waxaa wax badan nala waydiiyaa, waad fiican tihiine, dagaalka maxaad u qaadaysaan? Jawaabtu waa sharka hubaysan in khayr hubaysani la diriro yaa diidan?
2- War Itixaadku yuula jihaadayaa soomaali waa muslimiine, jawaabta waxa weeye: B- Dagaalka xaqa ah gaalad uun kaliya kuma eka, ee dadka islaamka sheegtaa haday ka tagaan ku dhaqanka shareecada, waa in lala dagaalamaa ilaa ay u noqdaan ku dhaqanka shareecada.
Abuubakar illaahay raali ha ka noqdee wuu la dagaalamay kuwii diidey sakada kaliya in ay bixiyaan, markuu Nabiga S.C.W dhintay ka dib, markii la yiri ma waxaad la dagaalamaysaa dad ashahaatay wuxuu yiri: Walaahi ninkii Sekada iyo Saalada kala saara waan la dirirayaa.Dabadeedna dagaal ayuu ku qaaday dadkaas.
T-Waxa lala dagaalamaya waa xisbiyo diinta Alle diidey ee maaha shacab weyne.
J- Waa lala dagaalamayaa Jirri iyo Mooryaan, dad iyo duunyo aan soomaaliya ku reebin, jirigaasna waxaa naas nuujinya asxaabta ama jabhadaha ilaahay diintiisa la dagaalay.
X-shacbi weynaha soomaaliyeed oo dhan ee muslimka ah waxaa waajib ku ah inuu eego kuwa diinta ku socda oo iyaga la safto, haddii uu qabyaalad keligeed diinta kuwa wada uga eexdo isagaa khasaaray.
Kh- Jabhadaha SSDF iyo kuwa la mid ahi ha cadeeyeen diinta ay wax ku dhaqaan, ama wax ku xukumaan, amase ayagu ku dhaqmaan illeyn diintu af ka sheegasho keliya maahane.
3- Waxaa majalaadaa ku qoran waxyaabo badan waxaana ka mid qabiil baa nagu soo duulay, qabiil baa hawshaan wata qabiil baa lala dagaalamayaa, hadana waa taagan tahay, hadaba majaladu arimahaas meelo badan bay uga hadashay, waxaase keliya oo aan kasoo qaadanayaa qayb ay uga hadlaysay maxaa Soomaali u dan ah?
Shacbiga soomaaliyeed waa in ay diinta ku dhaqmaan oo aysan ogalaan Qabyaalad shaydaan huriyo, sharciga wixii aan ku dhaqmin oo diida oo la dirira, oo qabyaaladi aaney hogaanka u hayne, ee diintu hogaanka ha u hayso, taasi ayaa naga saari karta dhibaatada aan ku jirno, Qabiilka waa run oo waa laysku aqoonsadaa, laakiin inuu diin noqdo, isaga laysku jeclaado, oo laysku necbaado, oo laysku wax taro, laysku xurmeeyo, oo laysku cadaawaysto, oo laysku baabi,iyo, diintu ma qabto, bal taasi qofkii isticmaala diintiisa ayay hoojinaysaa oo meel daran iney mariso ayuu khatar u yahay.
Haddii aan halkaas uga baxo majaladaas wixii ku qornaa maxaa maanta taagan, waxaan filayaa qodabadii aan soo sheegnay dhamaantood waa wax taagan, hadaan faahfaahiyo
1- Dagaal waa jirayaa inta dulmi jiro. Ibnu Cumar waxa uu ka weriyey Rasuulka scw in uu yidhi ”Hadii aad ku kala baayactantaan ribada (wax ku kala iibsataan) aadna ku raali noqotaan beeraha (beeraley noqotaan) Jihaadka jidka Allaahna aad ka tagtaan, Allaah waxa uu idinku salidayaa duli aan idinka tegayn illaa aad uga soo laabataan diintiina mooyaane”
Xadiiskaan waxaa inooga cad in duliga ina haysta inaan ka baxayn illa aan uga laabano diinta islaamka iyo jihaadka jidka Allaah.Xalku wa kaas waa kitaabka Allaah oo loo laabto iyo in lala jihaado gaalada munaafaqiinta, mushrikiinta iyo mujrimiinta ee u deg dega soomaaliyey..
Qabsada xadhiga Allaah ee go’ayn ogaadana in aanay mujrimiintaasi idinka raali noqonayn si walba oo aad walaalo iyo qaabo uga dhigataan maadaama aad muslimiin tihiin.
2- Waxaa lala jihaadayaa qof kasta oo gaal soo kaxaysta ama kitaabka Alle iyo sunada Nebiga S.C.W ka hor yimaada. Illaahay wuxuu quraankiisa ku yiri:- ” Kuwa Allaah iyo Rasuulba rumeeyayoow haka yeelanina Yahuud iyo Nasaara sokeeye,qaarkood waa sokeeyaha qaarka (kale) ciddii ka sokeeya yeelata oo idinka mid ah wuxuu ka mid yahay iyaga, Allaahna ma hanuuniyo qoomka daalimiinta ah” (Suuratu Al-Maa’ida 51). Hadaba sida aad u jeedo ayaa Allaah ugu xukumay qofka ka jeesta Jamaacada ama dadka musliinta ah oo u gala gaalada in uu gaalada ka mid yahay, qof ka kor qaadi karaana ma jiro xukumkaas uu Allaah saaray illaa iyo maalinta qiyaame hadii uusan ka toobad keenin qofkaasi.
Kuwa cadawga nagu soo hogaamiyey, iyo kuwa dhaqaalaha ku bixiya iyo kuwa qalbiga ka taageersan, waa isku mid dhamaantood,hadaad Illaahay iyo Rasuulkiisa S.C.W rumaysantihiin ka baxa waxaad samaynaysaan oo Illaahay u toobad keena, waa iga talo.....
3- Waa in ay noo cadahay qabiilkee diinta diidan Qabiilkeese ogol. Waxaa liibaanay qabiilkii diinta Alle u gargaara oo ku dhaqma, waxaa khasaaray Qabiilkii diinta Alle ka horyimaada, hadana ku darsada in dadka u jecel diinta colaadiya. Waxaa si gaar ah u liibaanay qofkii kasoo dhex baxay qabiilka ee diinta ilaahay u gargaaray, waxaa sidoo kale khasaaray qofkii kasoo dhex baxay qabiilka ee diinta ilaahay ka horyimid, colaadiyana dadka ehlu diinka ah.
Haddaba aan alle ka baqno oo aan kala saarno qofka iyo qabiilka, waxaan ula jeedaa hadaad aragto qof diinta Alle u gargaaraya ma ahan inaan niraahno qabiilkiisa oo dhan diinta ayay u gargaaraan, sidoo kale hadaan aragno qof diinta Alle colaadinaya ma ahan in aan niraahno qabiilkiisa oo dhan diinta Alle ayay colaadinayaa.
Ugu dambayntii Illaahay dhamaanteen Xaqqa hana wada waafajiyo Aamiin, Aamiin,Aamiin
Qore: C/raxmaan C/laahi
|
|

Waa Kuma Masuulka dagaalo sokeey oo 16 sano ah ka dib Soomaali oo dhan bad baadiyay oo 80% laga taageeray gobolada dalka soomaaliya oo dhan |
|

Nadaara ma waxa uu u afdubnaa Con yusuf Misse Xub sireed |
|

Ma Safarad baa mise xaruntii gumesiga |
| Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabad,Midnimada iyo Cadaaladda Akhri |
|
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada iyo Cadaaladda
waxeey si weyn u soo dhoweeyneeysaa Khidaabka Diineed oo xaqa ah
wuuna jeediyeey Jimcihii la soo dhaafay 27/04/2007 Dalka Dooxa. | |