Wiil 12 jir ah oo isku dilay Bastoolad uu lahaa aabihii, xilli uu ku ciyaarayay

Wiil 12 jir ah  ayaa isku dilay bastoolad uu ku ciyaarayay, kaasoo uu lahaa aabihii oo ka tirsan Ciidamada Soomaaliya.

Dhacdadan ayaa xalay ka dhacday xaafada Burdheere ee  degmada Waabari, waxaa la sheegay in wiilka uu ku ciyaarayay bastoolad, ka hor inta uusan madaxa isaga dhufan xabad.

Wiilkan ayaa lagu magacaabayay Cadnaan Cabdi Cali oo aabihii uu ka tirsanaa Ciidamada xoogga dalka, sida ay dadka deegaanka sheegeen.

Arrintan ayaa noqotay mid naxdin iyo walaac ku abuurta qoyska wiilka dhalay iyo dadka deegaanka.

Mas’uuliyiin dowladda iyo Qaar ka mid ah Ciidamada ayaa guryahooda ku heysta hub, sida bastoolad, taasoo mararka qaar ay isku dhibaateeyaan qoyska dhexdooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: