Waxaan wareesi xiiso badan la yeelanay Con macoow waxana uu ka hadlayaa xalada iminka tagan ee Somaliya .

Guji halkan

Siyaradii Abahii Samale oo lagu qabtay Sweden

                    

WARQAD FURAN (Open Letter)
Maarso 13, 2007
Baraarujin qaybtii 6aad

KU: C/laahi Yuusuf Axmed
KU: Cali Maxamed Geedi
KU: SH:Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)
KU: Daahir Riyaale kaahin
KU: Cadde Muuse
KU: Baarlamaanka Soomaaliya
KU: Baarlamaanka Somaliland
KU: Baarlamaanka Puntland
KU: Odayaasha Dhaqanka
KU: Inta sheegata Madaxda Soomaaliya
Og: Dadweynaha Soomaaliyeed


Nabad iyo naxariis korkiisa ha ahaato qofkii raaca hanuunka toosan ee Alle.
Intaas ka dib

Ma is wediiseen xalka soomaaliya meesha uu ku jiro, hadaba hadaad
isweydiiseen waxaan idin leenahay xalka soomaaliya waa iyadoo la toowbad
keeno Madax iyo Shacaba oo rabbi loo noqdo, laguna dhaqmo kitaabka Alle iyo
sunada Nabigeena S.C.W. Hadaan nahay Soomaali waxaa dib noo dhigay
qabyaalad, dadkii la rabay inay soomaali wax u qabtaana lama ogola ,anagu
waxaan qabnaa Soomaali maanta waxay u baahan tahay wax badbaadiya, Illaahay
haddii la talo saarto caqli saliim ahna la helo, waan badbaadeynaa? insha
allaah, laakiin wadadeedii ma hayno,waa musiibo taas.

Waxaan idiin sheegaynaa Soomaali hadaan nahay waxaa naga maqan oo keliya
cadaalad, cadaaladna waxaan ka helaynaa Kitaabka Quraanka iyo sunadda Nabiga
S.C.W oo laysku xukumo.Marka taasi hirgaliya Hadaad doonaysaa khayr
Adduunyo iyo mid Aakhiro.Waxaan sidoo kale idiin sheygaynaa ha ka suginina
Maraykanka,yurub, afrika, Jaamacadda carabta iwm, in cadaaladaa naga maqan
ay noo keenayaan.

Hadaba hadaad diidaan in aad nagu xukuntaan kitaabka alle waxaan idiin
sheegaynaa in alle quraankiisa ku yiri:Cidaan wax ku xukumin wuxuu soo
dejiyey eebe kuwaasi waa gaalo uun.
Cidaan wax ku xukumin wuxuu soo dejiyey eebe kuwaasi waa daalimiin uun.
Cidaan wax ku xukumin wuxuu soo dejiyey eebe kuwaasi waa faasiqiin uun.

Fiiriya suurada Maa.ida aayadaha 44-47, mid walba dhamaadkeeda.
Ibnu cabaas wuxuu yiri:Cidii diida waxa eebe soo dejiyey wuu gaaloobay.
Waxaan ognahay in Diin iyo Dawlad lakala saaro in ay nooga yimaadeen reer
galbeed, marka ha ogaado qofkii Diin yo Dawlada kala saara in uu ka dayday
reer Galbeedka.

Sidoo kale waad ogtihiin in Ummad walba ay leedahay cadow, marka cadawgeena
mid qarsoon iyo mid muuqdaba waxaan idin leeyahay ka hara,sokeeyana haka
dhiganina, wadankana waa in laga saaro si deg deg ah, waxaad kaloo ogaataan
si gaar ah in Dawlada Itoobiya ay rabto in ay degto soomaaliya oo dhan,
waxayna rabtaa in gobol gobol noo qaybiso, Waxaana la ogyahay in si gaar ah
ay hada u degen tahay meelo ka mid ah Somaliland iyo Puntland, waxayna
qorshaynaysaa sidii ay yuhuuda u dagtay Falastiin in ay Soomaaliya oo dhan
ay ku degto, qorshahaasna dadka badankiis kama warqabaan, laakiin Illaahay
idinkiis qorshahaas uma socon doono..

Illaahay quraankiisa wuxuu ku yiri: ” Kuwa Allaah iyo Rasuulba rumeeyayoow
haka yeelanina Yahuud iyo Nasaara sokeeye,qaarkood waa sokeeyaha qaarka
(kale) ciddii ka sokeeya yeelata oo idinka mid ah wuxuu ka mid yahay iyaga,
Allaahna ma hanuuniyo qoomka daalimiinta ah” (Suuratu Al-Maa’ida 51).
Hadaba sida aad u jeedo ayaa Allaah ugu xukumay qofka ka jeesta Jamaacada
ama dadka musliinta ah oo u gala gaalada in uu gaalada ka mid yahay, qof ka
kor qaadi karaana ma jiro xukumkaas uu Allaah saaray illaa iyo maalinta
qiyaame hadii uusan ka toobad keenin qofkaasi.


Madaxda waxaa laga rabayaa in naftooda iyo ehelkooda ka bilaabaan in ay aad
cadaalad u sameeyaan , ka dibna gaarsiiyaan inta ay awoodaan. Shacabka
dhaamaan waa in ay ka shaqeeyaan sidii ay ku heli lahaayeen cadaalad, hadaan
la helin la helin Cadaalad dhibaatada ka bixi mayno.
Waad ogtihiin dhibaatada haysata shacabkeena, marka wax ka qabta si gaar
naga joojiya qaadka laga keenayo cadawgeena, laguna bedelanayo doolar iyo
cunto iyo kaluun..

Waxaan badanaa maqalnaa waa la shirayaa oo waa la heshiinayaa, hadaba
shirarka la qabanayo waa in la keenaa dad wanaagsan oo illaahay ka baqaya
kana shaqeynaya Maslaxada Ummada Soomaaliyeed,waxaana lagu heshiin karaa
iyadoo la qaato kitaabka alle iyo sunada Rasuulka S.C.W, lgana toobadkeeno
wixii horey loo sameeyay, haddii taas la diido waxba soo bixi maayaan.

Waxaan si gaar ah talo ugu soo jeedinyaa inta sheegata in ay maamulaan
,Somaliland iyo Puntland in ay ka fogadaan colaada la hurinayo, sidoo kale
gobalaysiga iyo qabyaalada ay gaalada hurinayso in ay ka fogaadaan.
Waxaan ogayn in Madaxda Somaliland iyo Puntland in Markii ay ka baqayeen
Maxakamaduhu in ay ku soo duulaan in ay yiraahdeen waxaan isku xukumaynaa
kitaabka Quraanka. Haddaba waxaan ognahay in ay idinka ahayd in xukunka aad
ku dheeraysataan ee illaahay ka baqa, ee ha ka baqina cadowga aad deriska
tihiin ee itoobiya.
Ugu Dambayntii haddii aad diidaan talooyinkaan aan soo sheegay, ogaada in
aad taariikhda meel xun aad ka galaysaan, tii aakhiraha waa idin
sugaysaa,ama sheegta madax Soomaaliyeed ama Odayaasha Dhaqanka.
Waxaan shacabka Soomaaliyeed leeyahay Illaahay aan ka baqno,oo wixii
wanaagsan aan isku kaalmaysano, ogaadana waxaa jira dad Soomaali ah oo
wanaagsan laakiin waqtigooda sugaya micnaha hada xoogoodu ma muuqdo. Si gaar
ah qofkii doonaya in wadanka lagu maamulo kitaabka Alle iyo Sunada Nebiga
S.C.W halagu garab galo, oo hala siiyo fursad.

Illaahay waxaan ka baryaynaa inta Ummada Soomaaliyeed dhibka ka wada in
Rabbi soo hanuuniyo, cidii aan hanuun rabbi la la damcina rabbi hanaga qabto
aamiin.aamiin. aamiin.

Fiiro Gaar : Odayaasha dhaqan waxaan ula jeedaa qabiilkasta wuxuu leeyahay
qof xukuma magac kasta ha loo bixiyee sida: Boqor, Garaad,
Ugaas,Suldaan,Iimaan, Beeldaaje, Malaaq, Wabar I.W.M

Fiiro Gaar : Magacyadaan soo qoray uma aqoonsani madax ee waxaan u
aqoonsanahay niman u shaqeeya Cadawga Islaamka hadayna katoobad keenina waxa
ay ku jiraan ila ogaada Meesha ay ku dambayn doonaan.



Qore: C/raxmaan C/laahi


                     

Waa Kuma Masuulka dagaalo sokeey oo 16 sano ah ka dib Soomaali oo dhan bad baadiyay oo 80% laga taageeray gobolada dalka soomaaliya oo dhan

Nadaara ma waxa uu u afdubnaa Con yusuf Misse Xub sireed

Ma   Safarad baa mise xaruntii gumesiga

Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabad,Midnimada iyo Cadaaladda Akhri 

Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada iyo Cadaaladda

waxeey si weyn u soo dhoweeyneeysaa Khidaabka Diineed oo xaqa ah
wuuna jeediyeey Jimcihii la soo dhaafay 27/04/2007 Dalka Dooxa.