Warbixin: Ceyrinta Steve Bannon Kadib, Sababo Ku Tusinaya In Donald Trump uu Yahay Dad Cun!!

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxaa uu noqdey dad cun caadi ah,  midkii cunay raggiisa, ma tixgeliyo taariikh iyo dad ay isla qariibeen, waxaa uu aqalka cad mid mid uga ceriyay dhammaan raggii ku hareereysnaa, Bannon ayaa ugu dambeeyay.

Stephen K. Bannon, oo illaa November sanadkii tagay ahaa madaxa istaraatiijiyadda aqalka cad, isla markaana horay Trump gacan uga siiyay guushii uu ka gaaray doorashadii 2016 , madaxna ka ahaa ololaha, ayaa shaqada laga direy, sidaasi waxaa jimcihii xaqiijiyay afhayeen u hadlay aqalka cad.

Talaadadii Mr. Trump oo ka hadlayey magaalada New York ayaa waxaa uu sheegay in Bannon uu gadaal ka gaar ahaa marka laga hadlayo ololaha doorashada, isaga oo ka difaacay in uu cunsuri yahay.

Warar kale ayaa sheegaya Stephen K. Bannon uu isaga codsadey in uu shaqada ka tago, kadib markii uu la shaqeyn waayey aqalka cad, uuna ku dhaliilay iney ka weecdeen jidkii saxda ahaa.

Bannon waa ninka ka dambeeyay in dalal Musliimiin ah oo ay Soomaaliya ku jirto dadkooda loo diido Fiisaha Mareykanka, waxaa kale uu soo jeediyay in la dhimo ganacsiga dalkaasi la leeyahay Shiinaha.

Mr. Bannon waxaa ay dad badani ugu yeeri jireen in uu ahaa qofka ugu awoodda badan aqalka cad, waxaa uu ka dhex hadli jiray Trump, go’aanno badan ee uu madaxweynaha Mareykanka qaatey maalmihii ugu horeysay xafiiska isaga ayaa ka dambeeyay.

Madaxweynaha Mareykanka waxaa ku furan buuq badan, waxaa lagu eedeeyaa in uu weli ku jiro ololihii doorashada, kalsooni saa’id kuma qabaan Muslimiinta, Afrikaanta, Litinos-ka iyo xitaa Haweenka.

Ceyrinta Stephen K. Bannon waxaa ay qeyb ka tahay rag Trump ku dhawaa oo horay loo cuney, raggaas waxa ka mid ahaa: Macheal Flynn: La taliyaha Ammaanka,  Sean Spicer, Agaasimaha Warfaafinta iyo  Reince Prebus : Agaasimaha Aqalka Cad.

aqalka cad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: