War Deg Deg ah:Qeybo ka mid ah jidka Maka Al-Mukarama oo la xiray & gaari qarax looga shakiyay oo yaalla

Ciidamada amaanka dowlada Somalia ayaa goor dhow xiray qeybo ka mid ah wadada mashquulka badan ee Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Xiritaanka wadada ayaa yimid ka dib markii lagu arkay gaari looga shakisan yahay iney saaran yihiin waxyaabaha qarxa.

Gaariga ayaa muddo saacado ah yaalla inta u dhexeysa isgoysyada Km4 iyo shaqaalaha, waxaana gaarigan ka shakiyey dadka ganacsiga ku leh goobahaas oo ku wargeliyey ciidamada amaanka.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ciidamada amaanku ay labada dhinac ka xireen goobta uu yaallo gaarigan laga shakisan yahay, iyagoo horjoogsaday dadka lugeynaya iyo gaadiidka, ganacsatada dukaamada halkaasna waxaa lagu amaray iney xiraan.

Shalay galab ayey markii agagaarka halka loo yaqaano Xaaji Baasto ee wadada Maka al Mukarama uu ku qarxay gaariga laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo wadada dhinaceeda looga tegay, wax yar ka dib markii ay ciidamada dowladu xireen goobta uu yiilay gaarigaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: