Waqooyiga Kuuriya oo tijaabisay saddex gantaal oo ridada dhexe ah

Waqooyiga Kuuriya ayaa shalay oo jimco aheyd tijaabisay saddex gantaal oo Balaastik ridada dhexe ah, sida uu xaqiijiyay Milateriga Mareykanka

Gantaaladan ayaa laga riday Gobolka Gangwon, waxaana uu socday illaa 250KM, balse inta aanu gaarin bartilmaameedkiisa ayuu qarxay.

Waqooyiga Kuuriya ayaa bishii la soo dhaafay ku hanjabtay inay gantaal ku rideyso Jaziirada uu leeyahay Guam oo ku taal gacanka Pacific.

Laakiin gantaalada ay tijaabisay Waqooyiga Kuuriya ayaa la sheegay in aanu qatar ku aheyn Mareykanka iyo Jaziirada Guam.

Gantaalada ay tijaabisay Waqooyiga Kuuriya ayaa u muuqda mid jawaab u ah dhoolatuska milateri ee si wada jir u fulinayaan Milateriga Koofur Kuuriya iyo Mareykanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: