|
Burcad badeed oo afduubatay Doon kuwa lagu daxiiso ah.
Doon nooca lagu dalxiiso oo laga leeyahey dalka Faransiiska ayaa shaley galab waxa lagu afduubey dhinaca Xeebaha Cadmeen ee dalka Soomaaliya.
Doonta la afduubey oo aheyd nooca qaada Dalxiisayaasha ee ayaa waxa afduubey kooxaha ka qowleysata xeebaha Soomaaliya.
Doontan xilliga la afduubey ayaa waxaa saarnaa 30 Qof oo isugu jirey koox yar oo dalxiisayaal ah iyo shaqaalihii doonta la socdey, lamana garanayo dhinaca ay ula dhaqaaqeen doonta kooxii afduubtey.
Kabtanka wadey doontan shaley galab lagu afduubey xeebaha Khaliijka Cadmeen ee Soomaaliya oo la xariirey shirkadii laheyd doonta ayaa sheegay in kooxo aad hubeysan oo wata qalab casri ah oo is gaariineyd ay la wareegeen gacan ku heynta Doonta.
Sidoo kale wasiirka koobaad ee dalka Faransiiska oo la hadlayey saxaafada ayaa sheegay in xeebaha Bariga Afrika ay ku leeyihiin awoon ciidan oo weyn, keenina karta buu yiri in ay soo furtaan Doonta iyo rakaabka saaran.
Waxa uu intaa ku darey in sidoo kale xeebaha dalka Soomaaliya ku sugan yihiin maraakiib kuwa dagaalka ah oo ay leeyiniin ciidanka mareykanku, oo uu sheegay in ay ka kaashan doonaan sii deenta Doonta |