Safiirka Ruushka u fadhiya Sudan oo meydkiisa laga helay gurigiisa

Safiirka Ruushka u fadhiya Sudan Mirgayas Shirinskiy ayaa meydkiisa laga helay gurigiisa, sida ay xaqiijiyeen Booliska Arbacadii shalay.

Afhayeen u hadlay Booliska ayaa u sheegay in Wakaalada wararka ee Reuters in Safiirka uu hayay xanuuno uu ka mid yahay dhiig karka, taasoo loo maleynayo inuu u geeriyooday.

Meydkiisa ayaa laga helay barkada dabaasha ah ee gurigiisa, waxaa lagu wadaa in meydkiisa loo dhoofiyo dalkiisa.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Sudan ayaa ka tacsiyadeysay geerida Safiirka, waxaana ay ku bogaadiyay dadaalkiisa diblomaasiyadeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: