Raisul wasaare Abdelmadjid Tebboune oo saddex bilood ka dib shaqada laga eryey

Raisul wasaarihii dalka Algeria Abdelmadjid Tebboune oo xafiiska hayay muddo ka yar saddex bilood ayaa shaqada laga eryey ka dib wareegto ka soo baxday Madaxweynaha dalka Algeria Abdelaziz Bouteflika.

Lama oga tallaabada uu qaaday madaxweynaha sababta ka dambeysa, balse waxay dabo socotay warqad uu madaxweynaha u diray Mr Tebboune oo uu ku dalbanayay in si deg deg ah wax looga baddalo hanaaanka siyaasadda dalkaasi.

Dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in Axmed loo arki karo mid saameyn weyn ku lahayn siyaasada wadankaas, iyadoo Algeria ay isku dayeyso inay yareyso qiimaha shidaalka iyo dhaqaalaha dalka ee hoos u sii dhacaya.

Shacabka wadanka Algeria ayaa isweydiinaya sababta xilka looga qaaday raisul wasaare xilka hayey wax ka yar sadex bilood, maadaama aan la siinin fursad nuu ka qabto waxyaabaha laga dalbaday, waxaana dhaqankani lagu tilmaamay mid u gaar ah keliye taliyeyaasha mudada dheer fadhiyey kursiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: