Ra’iisul Wasaare Kheyre oo magacaabay xilka Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib U dhiska (Akhriso)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow u magacaabay Saadaq C/llaahi Cabdi xilka Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska.

Digreeto maanta ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa lagu magacaabay xilkan oo ahaa mid banaan tan iyo bishii May markii la dilay Wasiir Cabaas Siraaji.

Warqada magacaabista ayaa lagu faray inuu si deg deg ah xilka ula wareegay, waxaana markii xilkan uu ka geeriyooday Cabaas Siraaji sii hayay wasiir kuxigeenka Wasaaradda.

Eng. Saadaq C/llaahi Cabdi ayaa ah nin aqoonyahan ah oo qurba-joog ah, waxaa uu heystaa dhalashada Mareykanka, sida ay inoo xaqiijiyeen Ilo ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Magacaabistan Wasiirka cusub ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Eng. Saadaq C/llaahi Cabdi ayaa waxay meesha ka saareysa hadal heyntii ku aadaneyd in xilkan loo magacaabayo nin la dhashay Wasiirkii geeriyooday.

Halkan hoose ka akhriso warqada magacaabista.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: