|
2 qofood ayaa ku geeriyootay 5 kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray kadib markii Qarax xoogan oo ahaa miinda laga hago meelaha fog fog lagula eegtay isgooyska Fagax ee magaalada Muqdisho Booyad biyaha u dhaamin jirtay Ciidamada cadowga ah ee Ethiopianka ee ku sugan Warshadii hore ee Baastada.
Labadan ruux ee geeriyootay ayaa ahaa kuwa saarnaa Booyada 2 kalena oo isla booyada saarnaana waa ay ku dhawacmeen waxaana sidoo kale dhaawac uu soo gaaray dad rayid ah oo ka ag dhawaa goobta uu qarax ka dhacayay.
Qaraxan ayaa ahaa mid aad u xoogan oo laga maqlayay inta badan magaalada Muqdisho kaasoo bur bur xoogan u geeystay Booyada.
Booyada qaraxa lala eegtay ayaa waxaa ay ka timid dhanka deegaanka Faagax waxaana ay biyo u waday warshadii hore ee Baastada marka qaraxa lala eeganayay.
Ma’ahan markii ugu horeeysay ee qarax lagula eegto isgooyska Fagax Booyad biyaha u dhaamisa ciidamada cadowaga ah ee Ethiopiaka ee ku sugan Warshadii hore ee Baastada. |