Qof Shacab Ah Oo Lagu Dilay Degmada Jowhar, Sh/dhexe

degdeg

Wararka naga soo gaaraya degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa waxay sheegayaan in rag ku hubeysnaa ay dileen nin shacab ah.

Ninka la dilay ayaa lagu magacaabayey Cabdalla Saalim Sayid, wuxuuna ku shaqeysan jirey xirfadda Timo-jarista.

Dilka ayaa ka dhacay xaafadda Horseed ee degmada Jowhar, waxaana goobta ka baxsaday raggii dilka ka ka dambeeyay.

Ciidamada ammaanka oo gaaray halkaasi ayaa wada baaritaanno ku aadan dadkii dilkaasi ka dambeeyay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: