Qaraxyo Bam-Baano oo lagu weeraray Ciidamo ka tirsan Dowladda oo ku sugan Ex-Control Afgooye

Faah Faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Weeraro loo adeegsaday Qaraxyo Bam-Banooyin ah oo ka dhacay Bar Kontorool oo ay Ciidamada Dowladad Soomaaliya ku leeyihiin Isgoyska Ex Control Afgooye ee Duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxyada oo dhacay Xalay Fiidkii hore ayaa la sheegay in lala eegtay goob lagu jaro Boonada Canshuurta Gaadiidka magaalada Muqdisho waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan 3 Ka mid ah Ciidanka Dowlada Soomaaliya sida ay noo xaqiijiyeen Laamaha amaanka.

Saraakiisha Ciidanka ayaa Dulmi Diid u sheegay in Ciidanka dhaawacmay ay ku jiraan kuwa ay Xaaladooda aad u liidato waxaana la dhigay Isbtaal ku yaala magaalada Muqdisho.

Ciidanka Dowladda ee la weeraray ayaa Qaraxa ka dib Sameeyay Baaritaano mudo halkaasi ka socday lamana sheegin Wax dad ah oo lagu soo qab qabtay.

Waa markii 3aad oo weerar nuucaan oo kale lagu qaaday Ciidanka Dowladda Soomaaliya ee halkaasi Saldhigga ku leh, Goob joogayaal ayaa Idaacadda kulmiye u xaqiijiyay in Habeenadii la soo dhaafay ay maqlayeen Weerarada nuucaan oo kale ah oo deegaanka ku soo laab laabtay.

Taliska Ciidanka Dowladda ee deegaanka Ex Control oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan Weerarkii xalay ka dhacay deegaankaasi.

Weerarka ayaa ku soo beegmay Saacado yar ka dib markii meel u dhax Ex-Control lagu dilay mid ka mid ah Ergadii Baarlamaanka Soomaaliya ku soo dooratay magaalada Baydhabo  ee Xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: