Qaar ka mid ah golaha wasiirada Hirshabelle oo ka hadlay khilaafka ka jira Hirshabelle

Qaar kamid ah golaha wasiirada dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa ka  hadlay khilaafka hareeyay maamul goboleedka Hirshabelle iyadoo wasiiradaasna ay sheegeen in qaabka ay isku casileen wasiirada iyo wasiir ku xigeenada aysan ahayn qaab sharci ah oo xilkasnim

o ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Cali Caadle oo ka mid ahaa wasiirada arrintan ka hadlay ayaa ku taliyay in waxyaabaha amniga wax u dhimi kara la dhowro.

“XIlka waxaa lagu soo saaray dikreeto iyo in baarlamaanka laga ansixiyay,balse ma ahan in warbaahinta loo yeero la yiraahdo waan is casilay,”ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha.

Wasiirka howlaha guud iyo guryeynta Jaamac Xuseen Xaashi oo sidoo kale ka hadlay arrintan ayaa sheegay in ay tahay mid lagu fududaaday in wasiirada ay ku dhaqaaqaan iscasilaad.

Wasiirka warfaafinta dowlada Hirshabelle Mahad Xasan CIsmaan ayaa sheegay in aysan sharci ahayn iscasilaada ay gudbiyeen qaar kamid ah golaha wasiirada maadaama aysan qoraal u gudbin Madaxweynaha,

sidoo kale wasiirka warfaafinta ayaa ka hadlay mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Cosoble waxana uu sheegay in qodobada lagu eedeeyay madaxweynaha aysan sal lahayn uuna Madaxweynaha ka shaqeeyay dib u heshiisiin iyo horumarinta guud ee dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Illaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Madaxweyne Cosoble oo ku saabsan mooshinkan laga gudbiyay maanta iyo inuu aqbalay iscasilaada ay ku dhowaaqeen qaar kamid ah golaha wasiirada Hirshabeelle.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: