Garsoore lagu Magacaabo Axmed Yuusuf Muumin ka tirsanaa Maxkamada degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa ku dhawaaqay maanta in uu iska casilay shaqadii uu ka hayay Maxkamadaasi sababo uu ku sheegay Cabsi soo wajahaday qudhiisa.

 

Garsoorahaan oo oo maanta shir jaraa’id ku qabtay hoygiisa oo ku yaala xaafada xaawa Taako ee degmada Afgooye ayaa si cad u cadeeyay in uu xilkii uu ka haayay Maxkamada degmada Afgooye iskaga tagay ka dib markii ay soo foodsaartay Cabsi dhinaca noloshiisa ah.

 

Garsoorahaan ayaa sidoo kale tilmaamay in sababaha ku kalifay ay tahay warqado digniin ah oo habeenimadii xalay lagu soo daadiyay degmada Afgooye kuwaasi oo looga digayo in uu mudo 24 saac gudohood uu xilka iska casilo hadii kalena la dili doono.

 

Ma'ahan markii ugu horeysay oo Mas’uul ka tirsan maamulka Gobolka Shabeelada Hoose ee dowlada embaghati uu isaga tago shaqadii uu hayey.