Mukhtaar Rooboow oo warbaahinta la hadlay cafisna weydiistay shacabka Soomaaliyeed

Waxaa goor dhaw magaalada Muqdisho kula hadlay warbaahinta Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur oo horay u soo noqday ku-xigeenka Amiirka Ururka Al-shabaab, hasse ahaatee sheegay in uu shan sano ka hor isaga tagay Al-shabaab.

Mukhtaar Rooboow ayaa uga mahad celiyay shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda federaalka sida loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho, isaga oo dhinaca kalana ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed in ay cafiyaan, madaama uu mudo dheer ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.

“Waan ka baxey Al-shabaab waxaan codsanayaa cafis ka bixisteyda khilaafka Al-Shabaab ayaa sabab u ah, waayo Al-shabaaab uma aysan adeegin bulshada, mudo shan sano ka hor ayaan ka baxay Al-shabaab, dowlada wada hadal ayaa in oo soo socda ,waan ka nahad-celinayaa sida shacabka iyo dowlada ii soo dhaweeyeen” ayuu yiri Mukhtaar Rooboow.

 

Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa dowladda Mareykanka waxa ay madaxiisa dul dhigtay lacag dhan Shan Milyan oo Dollar, sanadkii 2012-kii, xilligaasi oo Al-shabaab ay iclaamiyeen in ay ku biireen Al-Qaacidda, balse Mareykanka ayaa markii danbe ka qaaday Wadaadka xayiraadii saarneyd

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: