Markab la waayey 72 sano ka hor ayaa hadda laga helay badda gunteeda (Daawo Sawirro

Markab kuwa dagaalka ah oo ay lahaayeen ciidamada Maraykanka isla markana dagaalkii labaad ee aduunka uu quusiyay Markab ay lahaayeen Japan ayaa laga badda gunteeda helay 72 sano ka dib isagoo ay ka soo jeedo 18,000 feet badda dusheeda.

Markabkan dagaal oo lagu magacaabi jiray Indianapolis ayaa la burburiyay ka dib markii uu ka soo laabtay howlgal qarsoodi ahaa oo uu ku gaynayay bambaanooyiinkii Atomikada ee loo adeegsaday weerarkii nuclerka Hiroshima.

Markabkani waxaaa saarnaa markii uu degayey 1,196 askari, waxaana laga soo badbaadiyay oo kali ah 316 -taasi oo ahayd qasaarihii ugu waynaa ee soo gaara taariikhda ciidamada badda Maraykanka.

Paul Allen,oo ka mid ah dadkii asaasay shirkada Microsoft, oo hogaaminayay kooxdii baadigoobka markabkan ayaa ku tilmaamay helida markabkan mid farxad leh.

Markabkani Maraykanka ee lagu magacaabo Indianapolis ayaa waxaa lagu burburiyay 30 July 1945 badda u dhaxaysa Philippine iyo jasiirada Guam.

Markab ah kuwa Gunjiska oo ay lahaayeen Japan ayaa ku dhuftay hubka maraakiibta lagu burburiyo taasi oo horseeday in markabka uu dego ilaa xiligaasna wax badan lagama ogayn halkii uu ku danbeeyay.

Mr Allen ayaa sheegay in markabkan la helay 18 bishan August,ka dib markii nin taariikhda ku xeeldheer uu farta ugu fiiqay goobtii ugu danbaysay ee lagu arkay markabkan dagaal ka hor inta uusan quusin.

kooxdii baadigoobka ugu jirtay markabkan ayaa waxa ay sheegeen in markabkani ahaan doono hantida ciidamada badda Maraykankanka uuna noqon doono xusuusta dagaalkii labaad ee aduunka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: