Maamulka Puntland oo dowlada Somalia & Maamulada dalka u soo bandhigay talo muhiim ah (Akhriso)

Golaha wasiirada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo Garowe ku yeeshay shirkoodii caadiga ahaa oo uu guddoominayay Madaxweyne K/xigeenka Puntland C/xakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa lagaga hadlay dhibaatadda ka taagan lacagta shilin Soomaaliga, waxayna u soo jeediyeen dowladda federaalka iyo maamulada kale ee dalka ka jira in siyaasad cad ay ka yeeshaan sidii loo xalin lahaa dhibaatadaasi.

“Gollaha xukuumadda Puntland ayaa sheegay in looga baahan yahay xukuumadda federaalka iyo dhammaan maamulada dalka ka jira in laga yeesho siyaasad mushkiladda soo wajahday lacagta shillin Soomaaliga ah.” ayaa lagu sheegay War ka soo baxay shirkaa oo dhinaca kale lagu falanqeeyey abaaro ku soo fool degaanada Puntland iyo sidii looga hortegi lahaa.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: