|
In ka badan 15 qof ayaa ku dhimatay tiro intaasi ka badana waa ay ku dhaawacmeen daqaal xoog leh oo maanta ka dhacay meel 18km dhanka waqooyi ka xigta degmada cadaado ee gobolka G.gaduud.
Dagaalkan culus ayaa lagu soo waramayaa inuu ku dhexmaray saaka degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud iyo duleedkeeda kaasoo u dhexeeyo ciidamo ka tirsan maamulka degmadaasi ee dowlada embaghati iyo xoogaga Al-shabaab.
Sheekh Muqtaar Roobow abu Mansuur ayaa sheegay in aay ku dhawaad 10 gaari oo tikniko ah aay qabsadeen waxana dagaalkaani ka dhacaysaaka meel 18km dhinaca waqooyi ka xigta degmada caadaado.
Dhaawacyo badan ayaa la gaarsiiyay isbitaalka dhinaca waqooyi ee Magaalada galkacyo ee gobolka Mudug waxana wararku sheegayaan in gaadiid rakaab ah oo ka tagay gobolka Banadir kaasoo ku sii jeeday Magaalada galkacyo uu madfac ku dul dhacay kaasoo sababay dhaawac dad rayid ah oo badan.Degmada Cadaado iyo Deegaanada ku dhow dhow ayaa waxay haatan gacanta ugu jirtaa Ciidamada Al-shabaabka. |