Dowladda KMG oo soo bandhigtay Meydad Nin Ajnabi iyo Somali oo dagaalkii shalay lagu soo qabtay
19-10-2009

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay Meydadka labo ka mid ah xoogagii shalay kula dagaalamay Magaalada Muqdisho, iyagoo mid ka mid ah ku sheegay Ajnabi.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Col. C/llaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in Meydadka labo ruux oo mid uu ku sheegay inuu ahaa Ajnabi u dhashay dalka Yemen, isagoo tilmaamay in dhaawac mid kale oo Soomaali ay soo qabteen.

Col. Bariise oo uu hareer fadhiyay aabaha Meydka wiil dhalinyaro ahaa oo dagaalkii shalay ku dhintay waxaana uu ka tirsanaa Xoogaga Dowladda ka soo horjeeda.

Cabdi Yuusuf oo ah aabaha wiilka dhintay ayaa sheegay in wiilkiisa oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Yuusuf uu la'aa muddo 8-bilood ah isla markaana uu isagoo wax baranayay laga xaday sida uu yiri.

Ma jirin wax cadeymo ah oo muujinaya in ninka ay ku sheegtay Dowladda KMG ah inuu ahaa Ajnabi iyo in kale, hase yeeshee Saraakiisha Dowladda ayaa sheegaya in ninka dhintay uu yahay Ajaaniib u dhashay dalka Yemen.