Xisbul Islaam oo qirtay in Ciidamadooda ay dileen Ganacsatadii reer Beledweyn ee xalay la dilay
19-10-2009

. Maamulka Xisbul Islaam ee Gobolka Hiiraan ayaa maanta ka hadlay dilalkii xalay loogu geystay gudaha Magaalada Beledweyn Labo Ganacsato oo walaalo ahaa iyo mid kale oo qaraabo la ahaa, kaasoo warar soo baxayay sheegayeen in Rag hubeysan ay dileen.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ee Xisbul Islaam Sheekh C/raxmaan Ibraahim Mocow ayaa sheegay in si qalad ah Ciidankooda u dileen Ganacsatadaas, waxaana uu sheegay in falka dilka uu ku dhacay is faham daro.

Waxaa uu xusay in dilkaasi uu dhacay xilli ciidamo ka tirsan Ururka Xisbul Islaam oo howlgalo ku jiray isla markaana baadi goob ugu jiray kooxo dablay ah ay isku dhaceen raggan kale ee geeriyooday kuwaasi oo iyana la sheegay in ay u soo cararayeen goobo ganacsi oo ay ku lahaayeen gudaha Magaalada Beledweyn xilli ay maqleen in goobtooda ganacsi ay ku soo food leeyihiin kooxo burcad ah.

Mr Mocow ayaa sheegay in saraakiisha Ururka Xisbul Islaam ay go’aamiyeen in arintaani lagu dhameeyo shareecada Islaamka, balse waxaa uu tilmaamay in arintii xalay ka dhacday Magaalada Beledweyn aanay aheyn mid si kas ah u dhacday.

Dilkii xalay ka dhacay Magaalada Beledweyn ayaa saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqa magaalada, waxaana aad uga xumaaday dadka deegaanka oo si adag u cambaareeyay