|
Darwalada gaadiidka Bl-ka oo lagu amray in Haween aan xirneyn Xijaabka qaadi karin 20-10-2009
Tan iyo markii dhowaan Xarakada Alshabaab soo saareen amaro ku saleysan ku dhaqanka Shareecada Islaamka oo ay ku soo rogeen Magaalada Muqdisho ayaa amaradaas noqdeen kuwo ka hirgala qeybaha ay ka taliyaan Caasimada.
Maamulka Alshabaab ee Gobolka Banaadir ayaa ku amray Haweenka inay qaataan Xijaabka adag ee Islaamiga, waxaana sidoo kale uu furay goobaha ganacsiga in la xiro waqtiyada salaada, taasoo in badan loo hogaansamay.
Qeybaha Dowladda kaga sugan tahay Caasimada ayaa amarka Shabaab looga hogaansamin oo aan dheg jalaq loo siin, waxaana amarada ay soo rogeen kaliya ay noqdeen kuwo ka dhaqan galay qeybaha ay ka arimiyaan.
Kala xirnaanshaha Caasimada ee dhinacyada isku haya meelba qolo ay ka taliso ayaa waxaa isu gooshida labada dhinac sahla gaadiidka Bl-ka oo dadka u kala daabulo labada qeybood ee magaalada ka kala taliyaan, tiiyo ay jirto hal wado oo u furan labada dhinac taasoo shacabka ay muhiim u tahay u kala gooshideeda.
Darawalada gaadiidka Bl-ka ayaa lagu amray in aanay ka soo qaadi karin qeybaha ay Dowladda ka taliso Haweenka aan xirneyn Xijaabka, waxaana Darawalada lagu wargeliyay in Ciqaab adag la marsiin doono.
Suuqa Bakaaraha oo ah isha ganacsi ee Caasimada Muqdisho u furan ayaa waxaa maamula Islaamiyiinta, waxaana dadka u ganacsi doonta oo Haween u badan ay ku qasabtaa marka ay tagayaan Suuqa inay qaataan Xijaabka waa marka qeybta Dowladda ka tagayaan.
Inkastoo Dowladda KMG aan amar taa la mid ah soo rogin ayaa hadana dadka waxaa culeys ku haya amarada Islaamiyiinta oo meelihii halbowlaha u ahaa Caasimada ay ku sugan yihiin.
Dhalinyaro wajiyada u xiran oo la dhakoolan Ak47 ayaa ku sugan wadada dhinaceeda oo ay ku leeyihiin Bar Koontarool, kuwaasoo gaadiidka kolba dhinac uga eega, iyagoo Haweenka kala fiirinaya inay Xijaab xiran yihiin, waxaana taas sii dheer in Gaadiidka la kala saaray haweenka iyo Ragga oo horay ay is dhex fariisan jireen, waxaana labo qeybood laga kala dhigay haatan.
Shacabka Muqdisho ayaa ku jahwareersan Maamulada iska soo horjeeda ee qolo walba dooneyso in amarkeeda la fuliyo, taasoo ay shacabka u sii dheer tahay dhibaatada ka soo gaareysa dagaalada iyo duqeymaha ku dhex mara kooxaha isku haya Caasimada.
|
|