|
Madaxweyne Shariif oo shir jaraa'd ku qabtay Villa Somalia 19-10-2009
Madaxweynaha Dowladda KMG ayaa shir jaraa'id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, halkaasoo wariyeyaasha uu ugu warbixiyay safaradii uu ku dalalka dalalka Mareykanka, Libiya, Kenya iyo Imaaraadka Carabta.
Waxaa uu sheegay Madaxweynaha in dalalkii uu booqday ay isku arkeen Madaxdooda isla markaana uu kala hadlay sidii Soomaaliya looga saari lahaa dhibaatada ka jirta xalna loogu heli lahaa dagaalada ka soconaya Soomaaliya
"Dhamaan Madaxdii aan la kulmay waxaa ka wada hadalnay sidii dhibaatada dalka ka jirta xal loogu heli lahaa, loona taageeri lahaa Dowladda KMG"ayuu yiri Madaxweyne Sheekh Shariif.
Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in Madaxda dalalka uu tagay sidoo kale ay ka wada hadleen sidii Dowladdiisa gacan looga siin lahaa xaaladaha ammaanka ee dalka.
Madaxweyne Sheekh Shariif mar wax laga weydiiyay warar la isla dhex marayay oo ku aadan in dhalinyaro ciidan u noqonaya Dowladda KMG lagu tababarayo gudaha dalka Kenya ayaa waxaa uu sheegay in aysan waxba ka jirin arinkaasi isla markaana looga been abuurtay Dowladda KMG isago sheegay in aysan jirin baahi Dowladda KMG ay dhalinyaro Soomaaliyeed ugu soo qorata gudaha dalka Kenya. |
|