Muqdisho:Jen Cabdi Qeybdiid oo Muqdisho ku soo laabtay
23. oktober 2009

 

Muqdisho(Allpuntland)Taliyaha ciidamada Police-ka Soomaliyeed Jeneraal C/Xasan Cawaale ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimada Muqdisho kadib markii uu ka qeybgalay xaflad ka dhacday magaalada Jabuuti oo ciidan Police- ah tababaro loogu soo xirayey.

C/qeybdiid ayaa maanta waxaa ku soo dhaweeyey garoonka Muqdisho saraakil ka tirsan Police-ka Soomaliya oo uu horkacayey afhayeenka Police-ka C/laahi Xasan Bariise.

C/qeybdiid aya waxaa uu saxaafada siiyey warbixin kooban oo ku saabsan sidii uu uga qeybgalay munaasabadii tababarka loogu so xiray ciidamada Soomaliya.

Waxa uu sheegay in ciidamadaas ay yihiin kuwa la doonayo in ay sugaan amaanka caasimada kana qeybgalaan sidii dawladda ugu balaaran lahayd deeganada ay kooxaha mucaaradka ka taliyaan.