Waxgaradka Mudullood oo digniin u jeediyay saxaafada Soomaalida dacaayado been ka faafiya mas’uuliyiinta be...
20-10-2009   

 

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay kulan ballaaran oo ay yeesheen Waxgaradka beesha Mudullood, iyadoo sidoo kale kulankaasina ay ka soo qeyb galeen xubno ka tirsan Dowladda midnimada Qaran ee KMG ah, culumaa’udiin, aqoonyahano, ganacsato, siyaasiyiin iyo shaqsiyaad caan ah.

Odayaasha beesha Muddulood ayaa sheegay in kulankooda ay uga hadleen xaaladda dalka uu haatan marayo, hase yeeshee ujeedada ugu weyn shirka ballaaran ee ay maanta ku yeesheen Muqdisho ayay ku sheegeen inay tahay sidii ay go’aan uga soo saari lahaayeen dacaayado mas’uuliyiinta beesha Muddulood uga jira Dowladda KMG ah, ay ku hayaan saxaafad Soomaliya.

Waxgaradka beesha Muddulood waxay sheegeen in in saafada qaarkood iyo Websityada Soomaalida kuwooda ugu waaweyn in maalin kasta lagu dacaayadeeyo madaxda beesha ee ka tirsan Dowladda KMG ah, taasi oo beesha Muddulood ay ku tilmaantay inay ka dambeeyaan shaqsiyaad jooga magaalada Nairobi, waxayna odayaasha si cad u sheegeen in wararkaasi aanay marnaba ka helin magaalada Muqdisho weriyayaasha jooga iyo xitaa ilo wareedyo ku sugan Muqdisho.

Dacaayadaha ay sheegeen odayaasha beesha Muddulood in ay saxaafada sheegaan ayay ku sheegeen inay kala yihiin Maareeyayaasha Dekedda caalamiga ah ee Muqdisho Eng. Cabdi Jiinow Calasow iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Md. Dable Baylood, waxayna maamulka Websaadyada ugu baaqeen inuu ka waantoobo dacaayadaha waxba kama jiraanka ah ee maalin kasta lagu soo bandhigo Websitkaas.

Nabadoon Cumar Ibraahim Cosobow ayaa kaddib markii uu soo gabagaboobay kulankaasi waxa uu Warbaahinta u faahfaahiyay kulankooda qodobadii ay uga hadleen, waxa uu sheegay afhayeenka beesha Muddulood in dacaayadaha beenta ah ee madaxda beesha uu ka baahinayo Websaadyad gaar ahaan Allpuntland aragti mid ah ka qaateen bulshada beesha Muddulood oo uu sheegay in ujeedada faafinta dacaayadahaasi beenta ah uu ku doonayo inuu tashwiish ku geliyo labada beelood ee Muddulood iyo Majeerteen.

“Maareeyaha Airoporka Dable Beylood ayaa xilka laga qaadaa, Maareeyaha Dekedda ayaa Golaha Wasiirada ka shirayaan sidii xilka looga qaadi lahaa waa tan beesha Muddulood la yaaban tahay” ayuu yiri afhayeenka beesha Muddulood Cumar Ibraahim Cosobow.

Waxaa kale oo uu sheegay in waxgaradka beesha Muddulood ay xushmo weyn u heyso howlaha warbaahineed ee websaadyada Soomaliyeed , waxaana ku xirnaa oo si gaar ah u xiiseeya dhacdooyinka iyo wararka dalka ka dhaca shacabka Soomaaliyeed intooda badan, hase yeeshee waxay odayaasha sheegeen in maalmahan dambe kuwo dhulka gelinaya sumcadda wanaagsan ee bulshada Soomaaliyeed uu Websitkaas ku lahaan jiray.

“Maamulka Websitka Allpuntland waxaan leeyahay ha horseedina in shacabka Soomaaliyeed idinkala noqdo kalsoonidii uu idiin hayay” ayuuna yiri Nabadoon Cumar Ibraahim Cosobow oo waxgaradka beesha Majeerteen ugu baaqay inay wax ka qabtaan aflagaadada aan geed loogu soo gabban oo madaxda Muddulood kula kacayo Websitka Allpuntland.

Ugu dambeyn waxgaradka beesha mudullood ayaa sheegay in aanay hada kadib ogolaan doonin in lagu tunto xuquuqda dadkooda ee lii caadifeeyo si ay ku jirto dano raadsi iyo in beesha si gaar loogu aflagaadeeyo saxaafada, taasoo ay micnahooda ku sheegeen quuri-wayto xilalka sharafta leh ee ay u hayaan umadooda iyo tan Dowladda KMG