![]() | ||
|
Samir Xusni oo ah Madaxa Xariirka iyo Arrimaha Siyaasada Afrika ee Ururka Jamaacada Carabka ayaa sheegay in ay sii kordhinayaan dadaalada ay ku doonayaan in ay ku balaariyaan arrimaha Dib u heshiisiinta Dhinacyada Soomaaliya. Samir Xusni waxa uu carabka ku dhuftay in ay howlahaasi taageero uga heystaan Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ahmed Walad Cabdala, iyo xiriiro toos ah oo ay la leeyihiin Dowlada KMG ee Somaaliya. “Aorshaha dib u heshiisiinta ee Jaamacada Carabta waxay sharuud ka dhigaysaa aqoonsiga Dowlada KMG ee Soomaaliya oo ah dowlad Sharci ah oo Ururada Caalamka, kuwa Goboleedyada, iyo Beesha Caalamkuba ay aqoonsan tihiin” ayuu yiri Samir Xusni oo intaasi raaciyey in ay si dadban iyo si toos ahba gacan uga geysan doonaan Arrimaha dib u heshiisiinta Dowlada KMG iyo Xoogaga ka soo horjeeda. Sidoo kale Madaxa Xiriirka iyo Arrimaha siyaasada Afrika ee Ururka Jaamacada Carabta Samiir Xusni wuxuu sheegay in kullankii ugu danbeeyey oo ay kooxda Xiriirka Caalamiga iyo Arrimaha Soomaaliya ku yeesheen Magaalada Roma ee Dalka Talyaaniga ay ku taageereen arrimaha nabad gelyada oo ay wadaan dowlada KMG ee Soomaaliya, isla markaana loo soo amba qaadi lahaa dadaalada dib u heshiisiinta dowlada iyo xoogaga mucaaradka.
|
| |