Kolonyo Ciidamo Amisom oo lagu qarxiyay Jidka Warshadaha
19-10-2009

Kolonyo kuwa qafilan oo ay leeyihiin Ciidamada AMISOM ayaa lagula eegtay nawaaxiga Xaruntii Kulyadii Jaalle Siyaad qarax miino kuwa la hago, oo lagu aasay wadada dhinaceeda.

Qaraxan ayaa qabsaday Kolonyada oo ay qeyb ka aheyd dhowr Kolonyo oo ku sii jeeday Xarunta Ciidamada Brundi ku leeyihiin Kulyadii Jaalle Siyaad, waxaana jira qasaarooyin gaaray Ciidamada.

Qaraxa kadib ayaa Ciidamada AMISOM ay u rideen dhowr jiho rasaas fara badan, iyadoona weerar lam filaan ah lagu soo qaaday Kolonyada wada socday ee mid ka mid ah laga qarxiyay.

Saraakiil ka tirsan Shabaab ayaa sheegtay in qaraxaas ka dambeeyay, isla markaana ay dagaal culus ku qaadeen Ciidamada AMISOM, iyagoo sheegtay in ciidamo fara badan ka dileen.

Afhayeenka Ciidamada Brundi Giovani Yu ayaa sheegay in qaraxaas uu waxyeelo kooban gaarsiiyay gaariga, hase yeeshee Ciidamadooda aan wax qasaare soo gaarin xataa darawalkii waday gaariga.

Qaraxa kadib ayaa la maqlayay hugunka Madaafiic labada dhinac isku weydaarsanayeen, kuwaasoo ku hoobanayay xaafado ka tirsan Gobolka Banaadir.