Muqdisho:Kolonyo ka mid ah Ciidamada AMISOM oo Gaari yar ku jiiray nawaaxiga Isgoyska Dabka
23. oktober 2009

Muqdisho

Kolonyo gaadiidka qafilan ee ay leeyihiin Ciidamada AMISOM ayaa maanta nawaaxiga Isgoyska Dabka ee Wadada Maka Al-Mukaramada ku jiiray gaari yar oo Suzuki ah, xilli uu hor socday Kolonyada Amisom.

Mid ka mid ah Kolonyada Ciidamada ayaa si xun u jiiray gaariga, iyadoo dhaawa culus uu ka soo gaaray darawalkii gaariga waday oo lala cararay Isbitaalka.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegaya in Ciidamada oo xowli ku socday ay gaariga dar dareen, dabadeedna iska sii wateen socdaalkooda, iyagoo aan dibna u soo jeesan.

Dhaawaca halista ah ee soo gaaray darwalka gaariga yar kaxeynayay ayaa dad u soo gurmaday ay goobta ka qaadaan, kaasoo la dhigay Isbitaalka Madiina.
Gaariga oo dhinac dhan ka dunsan ayaa la dhigay agagaarka Saldhiga booliska Waabari, waxaana wax war ah ka soo bixin Saraakiisha AMISOM ee ku aadan gaariga ay bur buriyeen iyo dhaawaca ay qofkii wadayay u geysteen.

Dhowaan ayay aheyd markii Ciidamada AMISOM magdhow ka bixiyeen Geella ay laayeen, waxaana dadka Muqdisho arrintaas ka muujiyeen walaac aad u xoogan, waxaana ka carooday qeybaha bulshada oo ku tilmaamay arrin fool xun.

Abwaan Abshir Bacadle ayaa gabay uu ka tiriyay magtii ay siiyeen AMISOM Geella ay ka laayeen ragii lahaa ayaa ku sifeeyay in AMISOM geella la waa weynaaday, dadkana la yaraaday, isagoo Tix gabay ka tiriyay oo aheyd Uganda Geelli waa gudeen, Gumaadkana waa Garree dhaheen.

Intii ay Ciidamadii Ethiopianka dalka joogeen ayaa waxaa marar badan ay jiireen gaadiid dad saarnaayeen oo rakaab ah taasoo ka dhalatay dhimasho iyo dhaawac, hase ahaatee tallaabadan cusub ee AMISOM ayaa ah mid u ekeysiineysa qaababka ay u dhaqmayeen sidii Ciidamadii Ethiopianka oo waxay doonaan iska sameyn jireen, isla markaana aan loogu raacan jirin