Maxamad Cabdi Kaliil oo ah Guddoomiye ku xigeenka Maamulkii Dowlada KMG ee Gobolka Gedo ayaa ku eedeeyey qaar ka mid ah mas’uuliyiintii Gobolkaasi kuwaas uu ka mid yahay Guddoomiyaha Gobolka in uu u gacan geliyey gobolkaasi xoogaga Mucaaradka.

 


Guddoomiye ku xigeenkii Maamulkii dowlada KMG Gobolka Gedo Maxamad Cabdi Kaliil oo shir jaraa’id ku qabtay Degmada Dooloow oo ay ku sugan yihiin inta badan mas’uuliyiintii maamulkaasi ayaa ku eedeeyey guddoomiyihii Gobolkaasi iyo xubno kale in ay Gobolka si sahlan ugu gacan geliyeen xoogaga islaamiyiinta haatan ka arrimiyaan.

 


 Maxamad Cabdi Kaliil waxa uu shirkiisa jaraa’id kaga dhawaajiyey in wada tashi iyo falan qeyn dheer oo ay wada sameeyeen Saraakiisha Ciidamada iyo mas’uuliyiinta Maamulkii hore ee Gobolka Gedo, ee haatan ku sugan Degmada Dooloow isla garteen in gebi ahaan xilka laga qaado guddoomiyihii Gobolkaasi ee Dowlada KMG Xuseen Farey oo lagu eedeeyey in uu ka bayray sharuucdii Siyaasadeed ee Gobolka iyo mida dowliga, muddo 9-biloodna ku sugan yahay Dalka Kenya.

 


Guddoomiye ku xigeenka waxa uu sheegay in xilkaasi si KMG ah uu isaga u sii heyndoono sida ku cad sharciga Gobolka iyo midka dowliga, markii doorasho la galana xilkaasi qaban doono mas’uulkii ku soo baxaa doorashooyinkaasi, hase yeeshee inta doorashoonkaasi ka dhacayaan si KMG ku sii heyndoono xilkaasi.


“Gobolka Gedo Xoogaga Mucaaradka dagaal kuma qabsan ee ragg ka mid ah maamulka ayaa u gacan geliyey…waxaana warkaasi daliil u ah....Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka hadda ku sugan oo shaaciyeen in ay u sahleen qabshada gobolka guddoomiyihii iyo xubno kale ” ayuu yiri Maxamad Cabdi Kaliil.


Guddoomiye ku xigeenka waxa uu carabka ku dhuftay in haatan Degmada Dooloow ay gebi gabo u ugu marayaan Ciidamo aad u fara badan oo Dowlada KMG loo tababaray, dhawaana ay sheegay in dib u wiiqi doonaan Awooda xoogaga islaamiyiinta ka arrimiya Gobolka Gedo.

 


Arrintan ayaa waxay ku soo beegmaysaa xili muddooyinkii la soo dhaafay ay jireen eedeyn iyo murano la xariira qaar ka mid ah mas’uuliyiintii Gobolka Gedo oo uu ka mid yahay Guddoomiyihii gobolkaasi Xuseen Farey ay hubkoodii ku wareejiyen maamulka islaamiga si fududna gacanta ugu geliyeen kooxahaasi sida uu ku eedeeyey gudoomiye ku xigeenka, haatana shegay in uu yahay Guddoomiyaha KMG gobolka Gedo Dowlada KMG Maxamad Cabdi Kaliil.