Jengali "In Al-Qaacida dalka joogto waxay cadaatay markii Shabaabku dhaheen Labayka Yaa Usaama"
19-10-2009

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jengeli ayaa sheegay in dalka Soomaaliya ay joogaan dagaalyahano shisheeye oo ka tirsan Ururka Al-Qaacida, isagoo muujiyay sida Dowladdiisa uga walaacsan tahay kororka shisheeyuhu.

Mr Jengali ayaa wareysi uu siinayay Wakaalada Wararka ee Reuters waxaa uu sheegay in Alshabaab gabaad siineyso dambiilayaal shisheeye, isagoo ugala jeeday dagaalyahanada ka garab dagaalamay.

"In Al-Qaacida dalka joogto waxay cadaatay markii Shabaabku dhaheen Labayka Yaa Usaama"ayuu yiri Cali Jengali oo intaa ku daray in cajalado muuqaal oo ay soo saareen Shabaabka ku ajiibeen Usama Bin Laden.

Wasiirka Arrimaha Dibada ayaa sidoo kale waxaa uu eedeyn dusha kaga tuuray Dowladda Eritrea, isagoo sheegay in doorkeeda ku aadan qalalaasaha Soomaaliya ay ku mudan tahay in lagu ciqaabo.

Dowladda KMG ayaa horay u sheegtay in Soomaaliya ku sugan yihiin dagaalyahano Ajaaniib ah, kuwaasoo ay ku tilmaantay inay hogaamiyaan dagaalada lagula jiro Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.