|
Sheekh Yuusuf Maxamad Siyaad {Indha Cadde} oo ka mid ah Saraakiisha Ururka Xizbul Islaam garabka uu hogaamiyo Sheekh Cameey oo dhawaan ku biireen Dowlada KMG ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in la taageero Dowlada KMG ee Soomaaliya.
Sheekh Yuusuf {Indha Cadde} ayaa sheegay in dagaalada socdaa aysan natiijo ahayn, hase yeeshee loo baahan yahay in wax kasta lagu xaliyo wada hadal is faham aan ku daadan dhiig shacab.
Indha Cadde waxa uu intaasi raaciyey in Dowlada KMG ee Soomaaliya ee uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay tahay Dowlad Islaami ah, sidaa owgeedna aysan jirin wax looga soo horjeesto.
“Walaalaha mucaaradka waxaan ugu baaqayaa in ay dagaalada joojiyaan Xabad wax faa’iido ah oo ay leedaha ma jirto Dowladan waa mid Islaami ah, waqti yar ayaana u harsan, sidaa darteed waa in jaanis la siiyaa wada hadalna ogolaataan si aan u bad baadino hambada yar ee ka soo hartay dagaalada lagu hoobtay ee dalka ka dhacay” ayuu yiri Sheekh Yuusuf Maxamad Siyaad {Indha Cadde} oo hadalkan ka jeediyey Xeebta Liido oo Tababar uga socday Ciidamo loo tababarayo Dowlada KMG ee Soomaaliya.
Sidoo kale Sheekh Yuusuf Indha Cadde waxa uu Ciidamada cusub ee tababarka u socda ugu baaqay in ay si daacad ah ugu adeegaan Shacabka Soomaaliyeed, isla markaana dib u soo celiyaan Qaranimada Soomaaliya oo waa hore mugdi gashay.
Haddalkan ka soo yeeray Sheekh Yuusuf Maxamad Siyaad {Indha Cadde} oo ka mid ah Saraakiisha Xizbul Islaam garabka Sheekh Sheekh Cameey kuna biireen dolwada KMG, ayaa ku soo beegmaya xili dagaalo culus ay Muqdisho ku dhex mareen Ciidamada Dowlada KMG iyo kooxaha ka soo horjeeda, dagaaladaas oo uu qeyb ka ahaa {Indha Cadde}.
|
|