Idaacada Jowhar oo maanta u dabaal dageysa sanad-guuradii 7aad ee ka soo wareegatay markii la aas aasay
20-10-2009

Idaacada Fm-ka ee ka howl gasha Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa maanta u dabaal dageysa sanad-guuradii 7aad ee ka soo wareegatay markii dhidibada loogu taagay.

Idaacada oo noqotay Idaacadii u horeysay ee si toos ah looga dhageysto Magaalada Jowhar iyo deegaanada ku dhow dhow ayaa waxaa aas aasay dhalinyaro si mutadawacnimo Bulshada ugu adeegayay, kuwaasoo shacabka dareensiiyay kaalinta warbaahinta kaga jirto arrimaha Bulshada.

20-ka October maanta oo kale waxay aheyd markii dhalinyaro isu tagtay ay hal abuureen fursad dahabi ah oo Bulshada markaa u aheyd iftiin yar oo u soo muuqanayay, si ay Warbaahinta u ahaato mid ay kala socdaan macluumaadka kala gedisan, waxayna xilligaas wixii ka horeeyay aheyd mid dhagaha shacabka ku dhaqan Shabellaha Dhexe oo ahaa mid xirnaa.

Idaacada Jowhar ayaa tabisa Barnaamijyo kala duwan iyo warar, waxaana ay Shacabka Jowhar ka haqabtirtay dhageysiga Idaacada BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga oo dadka ay ka dhageystaan Fm-ka Idaacada.

Heerarka kala duwan ee Idaacada soo martay ayaa aheyd mid ay la jaan-qaadeysay had maamuladii soo maray Gobolka oo Idaacada u arkayay meel ay kaga gudbisan karaan xeyndaabkooda siyaasadeed.

Wariyeyaasha ka howl gala Idaacada ayaa ku howl galayay si mutadawacnimo, kuwaasoo intii ay gudanayeen howlahooda shaqo kala kulmay dhibaatooyin isugu jira xarig, jirdil iyo dil.

Xusuusta marna Idaacada ka go'eyn ayaa ah wariyeyaashii soo maray ee qaarkood ku dhintay gacanta xaq darada, ah kuwaasoo kala ahaa Alla u naxariistee Abshir Cali Gabre iyo Axmed Xasan Mahdi oo ahaa raggii udub dhexaadka u ahaa habsami u socodka Radio Jowhar.

Idaacada Jowhar oo ah mid Madax banaan ayaa Maamul kasta ee soo mara Gobolka iyo Magaalada uu yahay mid caburin ku haya, waxaana jirta in Idaacada aanay u madax banaaneyn sii deynta wararka Maamulka, tiiyo ay jirta caburin iyo il gaar ah oo uu ku hayay Maamul kasta ee isaga kala dambeeya gacan ku heynta Gobolka.

Marxaladaha kala duwan ee Idaacada soo martay ayaa isugu jirtay in Idaacada marar badan la xiray oo hawada ay ka saareen maamuladii gobolka iyo in Idaacada laga xaaraantinimeeyay sii deynta Barnaamijyada Arrimaha Bulshada iyo Heesaha.

Hada waxaa magaalada gacanta ku haya Kooxda Mayal adag ee Shabaab kuwaasoo Idaacada dhaq dhaqaaqeeda kor kala socda, isla markaana ka mamnuucay barnaamijyo xiiso leh oo Bulshada ka wada bogan jireen, waxaana joogto ah caburinta.