Mudane ka tirsan Maamul Goboleedka Gal-mudug ayaa waxa uu Madaxweynaha Maamul goboleedkaasi ku eedeeyey in uu dib u dhigay waqtigii ay dhici lahayd doorashooyinka Madaxtinimada Gobolkaasi.
Sheekh Cali Cabdi oo loo yaqaan {Cai Gaab} oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in Madaxweynaha Maamul Goboleedkaasi uu mas’uul ka yahay dib u dhicii ku yimid waqtigii doorashooyinka Maamul goboleedka Gal-mudug.
Xildhibaankan waxa uu sheegay in ay hadda arrintaasi ka dhalisay qilaaf aad u xoogan, hase yeeshee ay soo dhex galeen Odayaal, Wax garad, Culumaa’udiin iyo Qeybaha kala duwan ee Gal-mudug, waxa uuan rajo ka muujiyey in la xaliyo qilaafkaasi.
Hadakan eedeynta ah ee ka soo yeeray mudanahan ka tirsan Maamul Goboleedka Gal-mudug ayaa ku soo beegmaya xili dib u dhac uu ku yimid waqtigii doorashooyinka Madaxtinimada Gobolkaasi.