|
Ninkii ay dhawaan Al-Shabaab ka goysay gacanta iyo lugta oo geeriyooday. 20-10-2009
Allaha u naxariistee waxaa geeriyooday ninkii ay dhawaan ay lug iyo gacanta ka jareyn Xarakatul Mujaahidiin Al Shabaab, kuwaasoo ka soo qabtay Shaballeda dhexe,
isla mar ahaantaasna ay Maxkamadoodu ku xukuntay lug goyn iyo gacan goyn. Taa oo ay Soomaalidu u taqaano is-dhaaf. Ninkaaan geeriyooday ayaa wuxuu ku geeriyooday Cisbitaal ay leeyihiin Al Shabaab.
Dhanka kale geerida ku timid ninkaan ayaa waxaa ka hadlay eheladiisa, iyagoo sheegay inuu ahaa nin xanuunsan, kaasoo qabay Cuduro kala duwan sida, Cudurka Kaadi Macaanka. Dhiig karka, iyo cuduro kale.
Nin ka tirsan ehelada ninkii geeriyooday ayaa saxaafadda u xaqiijiyey, geerida ku timid walaalkood iney sabab u aheyd, xukunkii ay Al Shabaab ku rideyn oo ahaa lug iyo gacan goyn (Isdhaaf).
“Al Shabaab xukunkii ay ku xukumeyn walaalkeen waanu ka aqbalnay maadaama ay sheegeen inuu ahaa nin dadka wadooyinka u geli jiray waana ku qanacsanahay wixii Xukunka Alle uu jideeyey ah.
Balse ninkii haddii uu geeriyooday Al Shabaab waxaanu uga fadhinaa waa Magdhaw” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah ehelada ninkii ay shabaabku xukumeyn taasoo keentay inuu u geeriyoodo.
isku soo wada-duuboo Al Shabaab ayaa lagu yaqaanaa ninkii ay soo qabtaan iney iska xukumaan, taasoo aanan loo-eheyn wax cadeyn ah marka laga reebo arinta kaliya ay ku andacoodaan “Asaga ayaa qirtay”.
|
|