Ciidamo ka wada tirsan Dowlada KMG ayaa rasaas ay is weydaarsadeen ayaa sababtay geerida Laba ruux oo rayid ah iyo dhaawaca laba kale Bartamaha suuqa Maana Boolyo Degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho.
Goob joogayaal ayaa noo sheegeen in Askartan ay soo kala dhex galeen Muran Qaad ay wadaagi lahaayeen, kadibna rasaas is weydaarsadeen.
Mar qura ayaa dadka goobtaasi ka agdhawaa ka ordeen si qof walba uu isaga ilaaliyo in ay waxyeelo ka soo gaarto rasaastaasi.
Ganacsiga Suuqa Maana Boolyo ayaa gebi ahaan xirmay intii rasaasta socotay, wallow markii danbe arrinta soo kala dhex galeen Ciidamo kale oo ay saaxiibo ahaayeen.
Wararka waxay sheegayaan in Askari ka tirsan labada dhinac ee is rasaasaysay mid ka mid ah ku dhaawacmay rasaastaasi, kaasoo dhaawaciisa loo qaaday mid ka mid ah isbitaalada Magaalada Muqdisho.
Tacshiiradan ayaa ku soo beegmaysa xili maantay dagaal ay ku hoobten Ciidamo ka tirsan Dowlada KMG iyo dad rayid ah uu ka dhacay Ex-koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.