Waxaa maanta gudaha Magaalada Muqdisho ka socota munaasabado lagu xusayo Maalinta Caruurta Africa iyadoo Hay’adda Xaquuqda Aadanaha ee Elman oo warbixin ka soo saartay munaasabadda maalintaasi Aqriso Warbixintaasi

 

Dagaalda sokeeyo ee ka dhacay Soomalia 1990 ma aysan ahayn oo kaliya in uu bururay adeegyada bulshada ee muhimka ahaa, balse waxaa kale uu baabi’yey nolosha iyo mustaqbalka kumaan kun oo carruur iyo dhallinyaro ah oo ahaan lahaa kuwa wax tar u leh bulshadoda.  Carrurta Soomaaliyeed intooda badan ma helaan xuquuqda aasaasiga- Xaqa ay u leeyeehiin in ay helaan waxbarsho, xaqa ay u leeyihiin in ay helaan caafimaad, xaqa ay u leyihiin in ay leeyihiin biyo nadiif ah iyo xaqa ay u leeyihiin in laga dhowro shaqaaqada, dandarro, faquuqidda iyo dhiigmiiradka.
 

In kasta heerka burburka soo gaaray dhaqan bulshadeedka uu yahay mid aan horay loo arag, haddana dhallinyarda iyo da’ yarta waa kuwa uu saamaynta xoog leh ku yeeshay siyaabo kala geddisan:

 


 

Marka kowaad, dhallinyarada waxay waayeen fursadihii ay ku heli lahaayeen waxbarasho iyo adeegyadii kale ee noloshoodu u baahnayd.  Hadaba maqnaanshaha fursadaha horumarineed, waxay gayeysiisay in ay in ay yimaadaan xaalado kordhinaya in halis u yihiin in ay ku dhacaan khataro,  ama ay waayaan xaaladihii ka dhowri lahaa in aysan ku dhicin mashaakilada oo ay ka mid yihiin isticmaalka maandooriyaal iyo akhlaaq xumi khariban.


 

Marka labaad, ayada oo laga faa’iidaysanaya xalaadad ba’an oo ay ku sugan yihiin, ayaa dhallinyarda la marin habaabiyo oo maskaxda laga beddelo oo lagu cabbeeyo afkaar khariban oo siyaasadeed ama diimeed si ay uga qaybtaan colaada hubeysan.  In carruurta loo isticmaalo dagaalada in ay tahay arrin ka soo horjeeda sharciyada caalamiga ee xuquuqda bini’aadamba, diinta Islaamic, iyo dhaqanka Soomaaliyeed.  
 

Marka seddexaad, da’ yarta Soomaaliyeed ee gabdho iyo wiilalba weligood ma aysan arkin nolol caadi ah, balse waxa kaliya oo ay arkeen waa sharci la’aan, fowdo iyo shaqaaqo aan kala go’ lahayn taas oo keeni karta in adkaato badbaadintooda.  In badan oo carruurta iyo da’ yar ka tirsan ayaa ku agoontoobeen, ama ku-bara kacay oo ugu dambayntii dhaxalsiisa in ay ku noolaadaan dariiqyada oo uu ka soo gaaro gabood fal, tacadi iyo dhiigmiirad.   
 

Marka afaradaad, tiro fara badan oo dhallinyaro ah ayaa la baxsaday noloshooda ayaga oo isticmaalaya safar dhul ama bad oo aad khatar ah ayaga oo ka raadinaya fursado nololeed dalalka dariska (Kenya, Ethiopia, Jabuuti, Yeman) iyo dalalka Yurub iyo Waooyiga Ameerika.  Arrintan waxay keentaa in dhallinyaro fara badan ku dhintaan, kuwa gaarana dalalka dariska ah ay la kulmaan dhibaatooyin fara badan iyo xaalada ba’an 

 


 

In kasta oo aan la isku raacsanayn qeexida waxa loo yaqaan dhallinyarada waxaan qaadanayn sharaxaada ka salaysan xeerka Dhowrdida Xaquuqda Carruurta oo ah sidan:

 


 

sida uu  ku qoran yahay Heshiiska  ku saabsan Xaquuqda Caruurta / ama Barbbaarta soo koreysa, waxa Shirka guud ee Qaramada madoobey ee la qabtey  20kii November,1989. waxaa Dowlagaha ka mid ah Qaramada midoobey ay isku raaceen marka laga reebo laba wadan oo kala ah ( Somalia & Ameerikaanka) in wixii ka yar Da’da 18 sanodood uu yahay  Carruur.

 


 

Sidaas darted, ujeedada qornadan  waxay Xoogga  saareysaa saameeynta  colaada Hubeysan ay gaarsiiyo maka loo isticmaalo carrurta iyo dhalinyarada  kooxo uga faa’iidaysanya dan  siyaasadeed ama diineeed .

 


 

Haddaan in yar dib milicsano dhibaatada aadka saamaynta culus ee dhallinyarada ka soo gaartay dagaalada sookeeye ee ka dhacay dalal badan oo ah kuwa loo yaqaan dalalka so koraya ee qaarada Afrika, Asia, iyo Latin Amerika Laga soo bilaabo sedeetanmaadkii (1980s ilaa haddan 2009) oo ahaa dhallinyarada kuwo si Xoog badan loo adeegsado ka qayb qaadashada dagaaladii jabhadeynta, siyaasadeed ama diideed oo dhaxalsiiyo dhallinyarada arrimahan:

 


 

§         Faqri, Coduro iyo Gadoob falyo aad u baaxad weyn

 


 

§         In ta u dhexeysa 1989 ilaa 2000 waxaa dhacay 111 Dagaal,   todobo kaliya ayaa ahaa dagaalo dhexmara dowlado, inta kale waxay ahaayeen dagaalo sokeeyo oo keenay burbur baahsan oo carruur iyo da’ yar fara badan loo adeegsaday, saameeyn culus ku reebtay Dhalinyarada

 


 

§         Tiro ka badan 1 bilyan qofood ayaa ah kuwo dadoodu u dhaxayso 15 ilaa 24; oo ah qiyaas ahaan shan meelood tirada dadka adduunyada.  85% waxay ku nool yihiin dalaka soo koraya oo ah meelaha dagaalada sokeeye ay ka dhacayaan

 


 

§         Kala bar tirada dhinyarada addunka ku nool waa kuwa ay haysato shaqo la’aan

 


 

§         In ka badan 300,000 oo carruur iyo barbaarta soo koreysa oo da’dooda u dhexeysa 13 -18 ee aduunka ayaa  laga dhigey  askar carruureed

 


 

§         2 milion oo caruur iyo da’ ayaa ayaa u dhimatey 10 kii sano ee u dambeeyey sababo dagaal

 


 


 

 


 

§         6 milion oo caruur ahna way ku naafoobay dagalaas sokeeye

 


 


 

 


 

§         1 milion oo caruur ah ay ku agootoobay oo waayey daryeel iyo koritaan hagaagsan

 


 


 

 


 

§         12 milion  carrur iyo da’ yar ayey dagaaladu ka dhigeen hooy la’aan

 


 


 

 


 

§         10 milion oo carruur iyo dhallinyar ah kuwo ka dhaxlay jiro maskaxeed iyo dhimir nafsiyeed baahsan oo ay keeneen dagaalada

 


 


 

 


 

§         Iyo dhibaatooyin fara badan oo kale

 


 


 

 


 

Hadaba aan isweydiinee maxey had iyo jeer dhalinta yar yar badanaaba ay ugu qaybqaataan Dagaalada?

 


 


 

 


 

§         In aysan jirin fursado horumarineed oo ay dhallinyaradu  kaga badabadin lahaa in ay ka qayb qaadashada colaadaha hubeysan sida waxabarashada,aqoon xirfadeed oo  ay wax ku kasbadaan, shaqo la’aan iyo  maqnaanshaha nolosha aasaasiga.

 


 


 

 


 

§         Ayada oo aysan jirin addegyada bulshada oo ka xanibi lahaa in ay la duufsado ka dibna ka qayb qaataan colaada hubaysan

 


 


 

 


 

§         In koox xag jir diimeed ama oo dhallinyarada ku marinhabaabiyey fakrkro ku saleeysan ujeedooyin  ama diimeed aan dhab ahayn.

 


 


 

 


 

Yuu xil ka saran yahay xil ka saran yahay badbaadinta carrurta iyo dhallinyarada loo adeegsado colaadan hubaysan ee ka socota Soomaliya?

 


 

Marxada u adeegsiga carruurta iyo dhallinyarada ka qayb qaadashada colaada hubaysan waa midi ugu xumayd ee soo marta intii dagaalada sokeeye ka socdeen ayada oo dhallinyarada lagu marin habaabiyey afkaar diimeed aan dhab ahayn ay wadaan dad fulinaayo ujeedooyin qalaad oo aan udanaynin ummada Soomaaliyeed.

 


 


 

 


 

Dhallinyarada Naftooda

 


 


 

 


 

Dhallinyarada fara ku tiriska ah oo fahamsan dhibaatooyinka haysta dhallinyarda iyo carruurta is abaabulaan ka hawl galaan galaan walaalahood la da’ah in uga digaan marin habaabin khariban loo adeegsanayo, iskuna dayaan in ay qaadaan wax allaale wixii suuragal ay kaga soo bixin lahaayeen kuwa dhex jira hawlahan.  Waa in ay dhallinyarada hesha hoggan midaysan oo noqda codkii u hadli lahaa dhibaatada haysata dhallinyarada .  Dabcan, ma sahlana wax qabashada duruufaha jira awgeed, balse waa lagama maarmaan in dhallinyarada qaataan doorkooda oo ku aadan baadiyenta dhalinyarda.  

 


 


 

 


 

Waalidiinta/Bulshada

 


 


 

 


 

Waalidiinta Carruurta, Odayaasha dhaqanka , culumada Diinta, Aqoon yahanada, ururada  Habeenka, ururada Dhalinyada, waa in ay  Door Muhiim ah ka  qaataan sidii loo samatabixin lahaa Xaalada hadda haysata dhalinyarada Soomaaliyed.

 


 


 

 


 

Dowladda

 


 


 

 


 

Waa waajib in dowlada Soomaaliyeed ay xil weyn iska saarto sidii carrurta iyo dhalliyarada looga badbaadin baadiyenta ujeeda xunta ah oo aan dhaqan diimeed aan dhab ahayn ku salaysan.  Waa in ay si joogta ah qaadaan baraajin joogta oo u noqota ka hortaga mabda’ baadiyeynta dhallinyarada oo lagu qasbayo in ay colaada hubeysan.  Ayada kaashanaysa caalamka, ay muhimad xoog leh siiso sidii loogu abuuri lahaa fursado horumarineed o ka celiya dhallinyarada marin habaabinta xooga ugu socota. 

 


 

Hadaba waa maxay Xalka ugu wanaagsan ee Lagu badbaadinkaro dhaliyarada soomaliyeedd:

 


 

Ø       Waalidka carrurta ayaa  masuuliyada ugu horeysa qaadaya in wiilkiisa uu la socda xaalkiisa iyo dhaqankiisa iyo in uu kormeer guud ama isha ku hayo si aan loo marin habaabin wiilkiisa.

 


 

Ø         In loo abuuro xarumo dhaqan cellin iyo waxbasrasho lacag la;aan ah

 


 

Ø       Waa In laga dhaadhiciyo dhalinyarada xoogoodu in uu yahay mid wax lagu dhiso ama lagu dumiyo lagana buraarijiyo in AAkhiro iyo aduunba faa’iido in aan laga  helayn cooladaha iyo dagaalada ka socda soomaaliya.

 


 

Ø       Waa In laga dhaadhiciyo  loona  dhiso lmustagbalka Dhalinyarada soomaaliyeed

 


 

Ø       Waa In laga caawio xag dhaqaale taas oo micnaheedu tahay ganacsi yar  yar loo abuuro  oo ay uga  baxaan dhibaatada saameeyta culus ku yeelatey Dhilinyarada soomaaliyeed

 


 

Ø        Waa in  la baro xirfado farsamo oo ay ku  kasbadaan nolol Maalmeedkooda

 


 

Ø         Waa in loo sameeya seminaaro iyo doodu lagu wacyi Gelinayo Dhaalinyarada somaliyed iyadoo Saxaafada xorta ah ee somaliya ay qaadato qayb muhiim ah, sida Idaacadaha, Wargeysyada, Website-yada, Local and International TV-yada