Baydhabo:Kaydad Shidaal oo maanta ku gubtay suuqa Magaalada Baydhabo oo dhaliyay qasaare lixaad leh
23. oktober 2009

 

Baydhabo Dabka maanta qabsaday keydka shidaal oo magaalada baydhabo ayaa waxaa ku dhaawacmay 5-qof dab .

Bakhaaradaan oo ay ku kaydsanaayeen shidaal ayuu dabku baabi'iyay iyadoo wararka laga helaayo dadweynaha degmadu ay damiyeen dabka, inkastoo aanay jirin wax ka badbaaday ganacsigii shidaalka u badnaa ee ku jiray dukaamada gubtay ee magaalada Baydhabo.

Ganacsatada shidaalkan iska lahaa ayaa sheegay in dabkan uu ahaa mid ku yimid si aan la filayn, iyagoo xusay in dhamaan ganacsigoodii oo aad u fara badnaa uu halakas ku gubtay.

Waxaa la soo sheegayaa in ciidamada ammaanka ee maamulka Bay iyo Bakool ay qaddar kooban xireen waddooyinka suuqaas gala, iyagoo dib u fasaxay markii dambe.

Dhanka kale dad ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa sheegay inaysan jirin gaadiidka dabka dambiya oo qayb ka qaatay gurmadka lagu daminayay dabka, si uusan ugu fidin dabkaasi qaybaha kale ee suuqaasi ee iyagana gubtay.