Tiro dad shacab ah ayaa ku nafwaayeen Magaalada Berbera, kagadaal markii dadkaasi uu istaagay wadnaha kulayl baaxad weyn oo ka dilaacay aawadeed.
Ilaa Afar ruux ayaa la xaqiijiyey in ay ku geeriyoodeen, tiro kalena laga dayrinayo xaaladahoosa Caafimaad, maadaama heer kulka Kulaylka uu gaaray 45-Digree.
Dadka dhinteen ayaa waxaa gebi ahaan sida la sheegay waxaa istaagay Wadnaha, waxaana ka mid ah afarta ruux ee geeriyootay Dr. Nuur Cali Cabdi oo ka mid ahaa Dhakhaatiirta Xoolaha oo muddo sanooyin ah ka shaqeynayay Wasaarada Xanaanda Xoolaha ee Maamul Goboleedka Somaliland.
Wararku waxay sheegayaan in heer kulka Kulaylka uu marayo meel aad u xaasaasi ah, sababo loo aanaynayo dabaylihii ka dhici jiray Berbera Bisha oo guud ahaan joogsaday, arrintaasna waxay dhalisay in ay istaagto hawada, xaalkuna isku badalay mid qeyrul caadi aan ahayn.
Si kasta oo ay ahaato waxaa laga cabsi qabaa in tirada dhimashada ay intaasi ka sii badato, waxaana dhul xeebeedka Berbera ka bilowday barakac la xariira Cabsi laga qabo kulaylka in uu sii lixaadsado.