Saraakiisha AMISOM oo wacad ku maray in ay tagayaan meel kasta oo Soomaaliya ka mid ah
20-10-2009

 

Saraakiisha Ciidamada AMISOM ayaa sheegay in ay tagi doonaan meel walba oo ka mid ah Soomaaliya, iyagoo sheegay in ay tagayaan iyagoo nabad Ilaalin ah, isla markaana fasax ka helay Midowga Afrika.

Afhayeen u hadlay AMISOM ayaa sheegay in qorshahooda kaliya aanu aheyn in ay joogaan Magaalada Muqdisho oo kaliya, hase ahaatee uu damacooda yahay in iyaga iyo Dowladda KMG ay tagaan meel kasta oo ka mid ah magaalooyinka dalka.

"Anaga halkan waxaan u joognaa nabad ilaalin, qorshaheena ma ahan inaan iska fadhino, hadii ogolaansho aan helno waan tageynaa meel kasta oo Soomaaliya ka mid ah"ayuu yiri Afhayeen u hadlay AMISOM oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Uganda ayaa horay u sheegay in loo baahan yahay in Ciidamada AMISOM lagu ballaariyo Magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo, oo aan lagu ekeyn Ciidamada Magaalada Muqdisho kaliya.

Waa markii u horeysay ee Saraakiisha AMISOM ee ku sugan caasimada Muqdisho si cad u sheegaan in ay tagaan meel kasta oo soomaaliya ka mid ah, iyagoo hela ogolaansho kaliya.