|
Xildhibaanada Beelaha Hawiye oo furka tuurtay, kana dhiidhiyay duqeymaha arxan darada AMISOM 23-10-2009
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta markii u horeysay si caro leh uga hadlay Duqeymaha joogtoobay ee Ciidamada AMISOM ku hayaan xaafadaha magaalada Muqdisho, iyadoo duqeyntii u dambeysay ee maanta ay galaafatay nolosha dad kor u dhaafaya 20-ruux.
In ka badan 20-mudane oo ka tirsan Baarlamaanka oo ka soo jeeda Beelaha Hawiye ayaa cambaareeyay duqeyntii maanta Ciidamada AMISOM u geysteen Xaafadaha Muqdisho, gaar ahaan suuqa furan ee Bakaaraha oo bartilmaameed u noqday dhinacyada iska soo horjeeda.
Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin oo ka mid ahaa mudanayaashii Baarlamaanka ee sida aadka ah uga xumaaday Duqeynta ayaa sheegay in aanay mar kale loo dulqaadan doonin duqeyn kale.
"Madaxtooyada anaga waxaa u naqaanaa meel dadka looga taliyo ee ma ahan meel dadka lagu laayo, sidaas darteed waxaa Dowladda u sheegeynaa hadey ay af garaneyso AMISOM duqeynta haka joojiso Shacabka"ayuu si kulul u yiri Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin oo ka mid ahaa Hogaamiye kooxeedyadii dalka.
Xildhibaanka ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay wado gumaad la mid ah tii Ethiopianka ka wadeen dalka, waxaana uu sheegay in taasi aan laga yeeli doonin sida uu hadalka u dhigay.
Kulanka Xildhibaanada ayuu sheegay in qodobo badan ka soo saareen, isla markaana ay ugu baaqeen AMISOM inay joojiyaan duqeynta.
"Waxaa la yaab leh qori mortar ah oo cabirkiisu yar yahay ayaa lagu ridayaa markaasey ku jawaabayaan qori culus oo aanan loo adkeysan karin"ayuu yiri Bootaan Ciise Caalin oo intaa ku daray in Ethiopia ay ku baxday Madaafiicdii ay ku garaaci jirtay shacabka.
Xildhibaanadan ayaa noqonaya xildhibaanadii u horeeyay ee si cad uga horyimaada Duqeynta culus ee AMISOM u geystaan Magaalada Muqdisho, iyadoo duqeymahaas ay dhacaan xilliyada la soo weeraro oo si aan kala sooc laheyn Madaafiic ugu harqiya qeybaha kala duwan ee Caasimada Muqdihso.
|
|