|

Waxaan wareesi xiiso badan la yeelanay Con macoow waxana uu ka hadlayaa xalada iminka tagan ee Somaliya .
Guji halkan |
|
Ma gurmashaa mise waa gumaysi
Baraarujin qaybtii 7aad
Waa daraasad daaha ka qaadeysa hawgalka ciidamada shisheeye ee dalka soomaaliya iyo ujeedada ka dan baysa. Darasaadaan waxaa la qoray 1994, waxaana qoray Cabdulaahi xuseen Kahiye. Hadaba daraasadaaan waxay ka hadashay iyo waxa maanta taagan waa isku mid,waxaana kasoo qaadayaa qaybo uu daraasadaas uga hadlay oo muhiim ah. Wuxuu qoraagu ka hadlay damaca iyo duulaanka reer galbeedka inuu yahay mid joogta ah, waxaana laga yaabaa in uu mar walba uu weji cusub yeesho, laakiin ujeedadiisu isma dooriso, waxaana ka mid ah ujeedadiisa:- 1- Inuu had jeer ku qasbo ummadaha kale siduu isagu doonayo ama maslaxadi ugu jirto. 2- Inuu u sar gooyo qaabka siyaasadeed ee ay qaadan lahaayeen. 3- Inuu ilaha dhaqaale ee dalka si muuqata iyo si aan muuqan u daldasho. 4- Inuu dhidibada u taago dastuurkii ay ku dhaqmi lahaayeen. 5- Inuu ka samaysto saldhig mileteri oo cidii maslaxadiisa fara gelisa lagu garaaco. 6- Inuu ku qasbo sidii ay u noqon lahaayeen mujtamac diimo kala jaad ah leh. 7- Inuu diinta iyo siyaasada kala sooco. 8- Inuu dhiso macaahid iyo dugsiyo si toos ah asagu u hoos yimaada. 9- Inuu dhaqanka iyo akhlaaqda toosan ka marin habaabiyo bulshada,iyo dhowr ujeedo kale oo aan halkaan lagu soo koobi kareyn. Hadaan ku istaagno qodobadaan qoraaqu uu qoray, waxaa ka fahanay gumaysiga qorshihiisa, waxaa jiri jiray gumaysi xoog wax ku qabsada, hadana waxaa arintaas ku socdo Dawlada iIoobiya,iyadoo ka shidaal qaadanaysa Dawlado kale. Haddaba qorshayaashaal badan ayaa Itoobiya wadataa waxaana ka mid ah:- 1- Qaybi oo xukun si guud 2- Si gaar ah in ay noo kala qaybiso gobol gobol 3- Si gaar ah in ay noogu qaybiso qabiil qabiil 4- In ay isticmaasho dekedaheena inta ay rabto 5- In ay la dagaalanto wixii ehlu diin ah.6- In ay san Soomaali weligeed heshiiniyo qorshayaal intaas ka badan. Dhamaanteen inta leh diin iyo damiir waa ogyihiin waxa cadawga Islaamka, uu la rabo Dadka Islaamka gaar ahaan Soomaaliya, maalmihii ugu danbeeyay wixii ka dhacayay Muqdisho waan ogayn si gaar xasuuqa maatada, waxa kaliya oo dadkaas loo xasuuqayaa waa iyagoo ka horyimid gumaysiga aan soo sheegnay, waxayna doorteen sharaf iyo cisi in ay ku noolaadaan, waxaan illaahay uga baryaynaa intii arimahaas ku dhimatana shahaado ku arsuqo inta dhaawacana alle noo caafiyo.Aamiin Ummada soomaaliyeed meelksata oo joogtaan waxaan idin leeyahay cadawgiina usoo jeedsada Walaahi maanta waa xamar berina waa boosaaso Saadanbe waa Burco ama Hageysa. War hooy midooba oo cadawgiina meel uga soo jeedsada. Ummada Soomaaliyeed waxaa laga rabaa:- 1-In ay Alle ka baqaan oo u toobad keenaan isna cafiyaan dhexdooda. Aqirr ibn yasaar Al-muzani (A.K.R) wuxuu sheegay inuu Rasuulku (S.C.W) ku waanin jiray asxaabtiisa: Alle u toobad keena dadyahow, oo dambi dhaaf weydiista, anigu maalintii boqol jeer ayaan toobad keenaaye. (Muslim) 2- In ay iska ilaaliyaan dhexdooda dagaal, waxaa la rabaa in layskugu diro qabiil qabiil si cadwgu u helo nefis. Abuu Bakrah Nufayc ibn al-Xaaris as-Saqfi (A.K.R) wuxuu yiri:Rasuulkii Alle wuxuu yiri:”Markii ay labo qofoo muslim ahi seef iskala horyimaadaan dilaha iyo la diluhuba waa ehlu naar.”Waxaan iri”Rasuulkii Alloow kan diley walaalkii garannay ee kan la dilay muxuu galabsaday oo naarta loo gaynayaa? Wuxuu ku jawaabay Nabigu (S.C.W) ”Inuu saaxiibkii dilo buu isna doonayey”. Waxaa wariyey: Bukhaariiyo Muslim 3- In ay ku sabraa dhibaatada cadawgoodu uu gaarsiinayo mar walba, fiiriya waxa ka dhacaya Ciraaq, Afgaanistaan, Jeejniya iyo falastiin Abuu Cabdullaah Khabbaab ibn Arat (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan uga eed sheegannay nabiga (S.C.W.) dhibaatada iyo culeyska siyaadada ah ay nagu hayeen gaaladii reer Makkah. Wuxuu markaa nabigu jiifay hooska Kacbada, isagoo ka dhigtay barkin go'iisii. Waxaynu ka codsannay oon ku niri: Maxaad Alle kaalmo inooga baryi weyday? maxaa Alle hiil inoogu waydiin weyday? Wuxuu ku jawaabay: Waxaa dhici jiray Ummadihii idinka horreeyey dhexdood, in nin la soo qaban jirey, waxaana lagu ridi jiray god looga qoday dhulka, markaas baa laba looga kala dhigi jiray miinshaar madaxiisa la kor yeelay, ama hilibkiisaa firitaan looga fiiqi jiray lafahiisa shanlooyin bir ah, waxaas oo idilna ma keeni jirin inuu diintiisa ka noqdo. Waxaa hubaal ah inuu Alle kor yeeli uuna hirgelin Islaamka illaa rukuub fuushanahu uu isaga socdo Sanca iyo Xadramuud isagoo aan waxba ka baqayn Alle maahee iyo khatarta yeyda ay u leedahay arigiisa. Laakiinse waxaad u muuqataan sida inuu idinku jiro degdeg badan". (Bukhaari)
Ugu danbayntii Ilaahoow cadageena naga qabo oo inta Xaqqa ku dagaalamaysaa u gargaar Aamiin, Aamiin,Aamiin.
Fiiro gaar: qaybta soo socota waxaan haddii rabbi idmo uga hadlayaa, yaa dumiyey Maamulkii Maxkamadaha, marka waxaan rabaa shaqsiyaadkii si khaas ah arintaas uga shaqeeyay fadlan waa mas,uuliyad nawada saaran, marka ii soo qor shaqsiyaadka aad u aragto in ay arintaas si toos ah u galeen, inta aan maqaal soo qorin, shaqsiyaadka waa niman ku jira dawlad isku sheega soomaaliya, Somaliland iyo Puntland si gaar la taliyaasha arimahaas ka shaqeeyay ii soo sheeg...
Qore: C/raxmaan C/laahi
|
|

Waa Kuma Masuulka dagaalo sokeey oo 16 sano ah ka dib Soomaali oo dhan bad baadiyay oo 80% laga taageeray gobolada dalka soomaaliya oo dhan |
|

Nadaara ma waxa uu u afdubnaa Con yusuf Misse Xub sireed |
|

Ma Safarad baa mise xaruntii gumesiga |
| Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabad,Midnimada iyo Cadaaladda Akhri |
|
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada iyo Cadaaladda
waxeey si weyn u soo dhoweeyneeysaa Khidaabka Diineed oo xaqa ah
wuuna jeediyeey Jimcihii la soo dhaafay 27/04/2007 Dalka Dooxa. | |