Dufcadii 10aad oo maanta ka qalin jabisay Jaamacadda Soomaaliya ee UNISO

Jaamacadda Soomaaliya ee UNISO ayaa maanta xaflad qalin jebin ah u qabatay dufcadii 10aad oo ka qalin jebisa Jaamacadda.

Munaasabad loo qabtay 1,400 arday oo ka kala tirsan kulyadaha kala duwan ee Jaamacadda, kuwaasoo dhameystay shahaadada koowaad ee Jaamacadda Bachelor Degree.

Waxaa xaflada ka qeyb galay Mas’uuliyiin kala duwan, sida Wasiirka Waxbarashada, Guddoomiyaha Ururada Bulshada rayidka, Guddoomiyaha degmada Warta nabada, Maamulka Jaamacadda iyo waalidiin.

Mas’uuliyiintii ka hadashay munaasabada ayaa u hambalyeeyay ardayda wadadii dheereyd ee ay u soo mareen waxbarashada, waxaana ay kula dar daarmeen inay horay u sii wataan waxbarashadooda, si ay heer sare uga gaaraan tacliinta.

Ardayda ka qalin jabisay jaamacadda oo isugu jiray gabdho iyo wiilal ayaa wajiyadooda laga dheehanayay farxad, waxaana qaarkood ay sheegeen in u hamuun qabeen maanta oo kale inay karaan, iyagoo gaaray guushooda koowaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: