Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada iyo Cadaaladda
waxeey si weyn u soo dhoweeyneeysaa Khidaabka Diineed oo xaqa ah
wuuna jeediyeey Jimcihii la soo dhaafay 27/04/2007 Dalka Dooxa.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed oo qiraaya, qadarinaaya si weyna
u xurmeeynaayaa Aqoonta Sarre,dadaalka,geesinimadda iyo damiirka
Nool ee Fadiilat-Sh.Yuusuf El-Qaradaawi oo ah Caalimka Diinta
Islaamka ama Culimadda Islaamka ugu caansan xiligan,runta sheega,
Xaqa ku baaqa, Ummadaha Islaamka ku dhaqmida Diintooda lu dhiiri-
Geliya,kana digga Acfaasha Sheeydaanka Aduunka ku gaaf wareegaaya
duulimaadka weyna ku ah Ummadaha Islaamka.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey si
Buuxdda u taageeraayaan, ula duuban yihiin
Aragtidda xaqa ah ee Sheekhu qeexay,ahna in
Dhibaatadda iyo tacadiyada loo geeysanaayo
Ummadda Somaaliyeed xiligan ka dameeyo oo
Masuuliyadeeda tooska ah leeyahay (USA)oo
tabanaaya dhibaatooyinkii iyo guul-daradii
ka raacday Duulimaadkiisii Somaaliya 1993-
kii iyo khasaarooyiinkii kaga dhacay,waana
Qorshe cad oo lid ku ah Guud ahaanba Dalka
Islaamka ah,waana Taxane dheer-bal eeg-Ciraaq,Afgaanistaan,Libnaan
Falastiin,Kashmiir,Shiishaan iyo Hanjabaada joogtada ah oo lagu
hayo Dalalka-Iraan iyo Suuriya,Itoobiyaankuna yahay Wakiilka
Yuhuuda u fadhiya Qaaradda Afrika.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey xurmeeynaayaan Aragtida xaqa
ah,runta ku saleeysan ee Caalamku qeexay, waa qoowl geesinimadiisa
leh, una taageero buuxda ah iyo soo dhoweeynba,anagoo rajeeyneeyna
in tusaale fiican la qaato, Culimaa'udiinka Islaamkuna gartaan oo
gutaan Masuuliyada Diineed oo ka saaraan Shucuubtooda,ka gilgishan
Tacadiyada,xadgudubyada iyo dhibaatooyinka lagu hayo Dalalka iyo
Shucuubta Islaamka ah,anagoo ku amaaneyna qaar ka mid ah Wadaadada
Somaaliyeed Fotwooyinka Dhiiri-gelineed iyo Tusaalooyinka Qiimaha
weyn leh kuna Saleeysan Xaqa-Jihaadka.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey halkan Amaan,bogaadiin iyo
Salaan xurmadeeda leh uga gudbinaayaan Muftigga weyn-Sh-Qaradaawi
Halyeeyga Dunida Islaamka,Waxaan rajeeyneynaa in Ummada ama Dadka
Somaaliyeed weliba intooda Damiir nool iyo Qiiradda Wadaniyadeed
leh in eey qaataan Dhiiri gelin iyo Tilmaamada Sh.Qaradaawi oo ah
Xaqa is-difaacidda hadii duulimaad cad cadoowgaagu kugu soo qaadan
Somaaliduna xaq u leedahay Halgan Muqaawamo Jihaadeed,Kuwa Madaxda
Sheeganaaya lana duuban ama xulufada la ah Cadoowguna Khaayiniin
waaweyn,kuna Ridoobeey Diintiooda Xanaafka ah iyo Xurmada Dalkooda
iyo Xuquuqda Dadkooda,mudan la Xisaabtan iyo Maxkamadeeyn Xaq ah.
-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Af-Hayeenka Guud-
-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,Midnimadda
iyo Cadaaladda Somaaliyeed.
-England-UK- 02/05/2007-