Dhageyso: Madaxweyne Farmaajo Oo La Kulmay Jaaliyadda Soomaalida Ee Masar

Munaasabad lagu soo dhoweynayey madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaaajo, islamarkaana ay soo qabanqaabisay safaaradda Soomaaliya ee Masar ayaa ka dhacday magaalada Qaahira.

Munaasabaddan waxaa goob joog ka ahaa madaxweyinihii hore ee dalka C/qaasim Salaad Xasan, Wasiiro ka tirsan xukuumadda oo safarka ku wehlinaya madaxweyne Farmaajo, iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi, waxaana lagu qabtay xarunta Jaamacadda Al-azhar ee magaalada Qahira.

Wasiirka arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa ugu baaqay ardayda iyo aqoonyahanna Soomaaliyeed ee ku nool Masar sidii ay kaalin uga qaadan lahaayeen horumarinta dalkooda.

Madaxweyne Farmaajo oo isna halkaasi hadal ka jeediyey ayaa dowladda Masar uga mahadceliyey sida ay usoo dhoweysay, waxaana dhanka kale dhallinayarada waxbaraneysa ugu baaqay dedaal dheeraad ah.

Sidoo  kale madaxweynaha ayaa dhallinyaro la sheegay iney Masar u joogaan iney kasii tahriibaan wuxuu ka codsaday ineysan Tahriibin oo aanay naftooda badaha ku haligin.

 

farmaajo

Halkaan hoose ka dhageyso

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: