Daawo Sawirro: Sida quruxda badan ee loo dayactiray taaladii Axmed Gurey ee Isgoyska KM4

Taaladii Axmed Gurey ee ku tiilay bartamaha Isgoyska Km4 ee magaalada Muqdisho ayaa xalay dib loo furay ka dib dayactir iyo qurxin in muddo ah ka socday.

Sida quruxda badan ee loo dhisay jardiinada gaaban ee ku wareegsan taalada ayaa noqotay mid soo jiidatay indhaha dad badan.

Waxaa lagu xardhay boorar ifaya iyo nalal aad u qurux badan, waxaana intaas dheer geedo iyo dhir qurux badan oo halkaas lagu beeray, kuwaasoo kordhiyey bilicda isgoyska Km4.

Isla xalayba dad badan ayaa taalada daaha laga qaaday u daawasho tagay iyagoo bilaabay iney sawiro isaga qaadaan soona geliyaan baraha bulshada.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: