Ma Safaarad Baa Mise Xarunta Gumeeysigga

-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Afhayeenka Guud- -Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada Iyo Cadaaladda.
-England-UK-
sharifhassan50@yahoo.com


Ayaan daradii, Qaran gabkii iyo heeryadii gumeeysiga ayaa xarun ka furatay Dalkeena hooyo, maadaama Dowladda Itoobiya oo si Cad Xaq-daro ah,Duulimaad qaawan ku heeystaan Dalkeena Hooyo iyo Xulufadooda Khaayiniinta ah, Kaba-qaadyadda ah ka Furaan Caasimada Dalkeena hooyo Muqdisho, weliba Guri qaranku lahaa ku dhegan ama ku yaala meel ahamiyadeeda leh, Guri uu Deganaan Jiray Madaxweyne Ku Xigeenkii Dalka-Mudane-Ismaaciil Cali Abokor,W.Warfaafinta iyo Hanaantida(Raadiyo Muqdisho),Waa Wadnaha Magaaladda Muqdisho.

Sawirkaas ayaa Tusaale cad ama Tilmaan ka bixinaaya Madax ku Sheega,dalka iyo Dadkaba Gacanta ku geliyeey,Damiir-laawayaasha, Dagaal Oogayaasha, Qabqablayaasha waaweyn,Somaali ku sheega,Diinta iyo Dal kaba ku ridoodeey,Furidda Safaarada ayaa ujeedo weyn ka Dameeysaa,Waana meesha Dalka looga Talinaayo,Waa Sharciyeenta iyo Karaamo dumeeynta Ummmadda Somaaliyeed,Safaarada waa Cadeeynta is dhiibidda khaayiniinta iyo Dhiiri gelinta Muqaawadda Xaqa u taagan Difaacadda Diintooda,Dalkooda iyo Karaamadda Ummadooda -Calankan Gumeeysiga oo kala lusha Goobta ugu sareeysay Caasimadeena Muqdisho wuxuu bedel u tahay ama Kaalintiisii ku jiraa Calankii Qaaliga ahaa-Bulugleey,laakiin ma Dhaceeyso in uu halkaas suraan doono, ma dhaceeyso in ka baban doona Maxtooyadda dhinaceeda ama dhici doonto in Safaaradaasu eey Noqon doonto Goobta Dalkeena looga taliyo, kuwa sidaas aaminsana waa Caqli xumayaal,waa Dadnimo laawayaal,waa Gumeeysi u adeegayaal waa Khaayiniin Maxkamadeeynta Mudan, Itoobiya iyo Rajiimka Zanaawi weey Khaldameen Mrakii eey Halkaas Xusheen, weey Khaldameen markii eey Duulimaadka Qaawan ku soo qaadan Dalkeena Qaaliga ah,Laakiin Somaaliyeey waxaa is weeydiin mudan ayaa ka masuul ah arrintaa?.

 

Masuuliyadda Dulimaadka iyo Qabsashadda Gumeeysiga waxaa leh Guud ahaanba Ummadda Somaaliyeed ha joogeen Gudaha iyo Debedahaba ha ayaadeen Aqoonyahan,Culimaa,udiin,Saraakiil Ciidan,Haween iyo Dhalinyaro, waayo waxeey dayacna Dalkeenii Qaaliga ahaa,Ciidii Karaamada weyn laheyd, waxeeynu ka badan weeynay Qabyaalad,Colaad Sokeeye iyo Daadinta Dhiigeena, Qabqablle u hiilinta iyo Xumaan ka talinta waana helnay Waajibkeenii iyo abaalkeweniiba,Maanta Looma baahna arrintuna ma taagna Caadifad kooban iyo laab la kac ee waxaa loo baahan yahay Talo Wanaagsan,Caqliyeeysan iyo Hanaan Hogaamineed Kartidiida,Daacadnimadiisa iyo Dadnimadiisa leh oo Sida ku haboon isgu xiri karaaya Qeybaha kala duwan ee Bulshadeena una Dul-qaadan karaaya Waqtiga adag iyo Rafaadka Jirra,Hogaan leh Aragti Somaaliyeed, Caqiido Adag iyo Qiiro Wadaniyadeed dhab ah.

Guud ahaanba Ummadda Somaaliyeed waxaa looga baahan yahay in eey la yimaadaan Arrimahan:-

1-Hanaan Midnimo.
2-Howl Gal Wacyi gelineed.
3-Daacadnimo Iyo Wadda Jir Walaalnimo.
4-Garashadda iyo Gudashadda Masuuliyadda ina Saaran.
5-Nooleeynta Qiiradda iyo Dareenka Wadaniyadeed oo Caqliga ku
Saleeysan(Caadifad Maya).
6-Hanashadda Xarunta Hogaamineed, Iyo In Codkeena Aduunka Gaaro.
7-Muujinta Cududeena Codeed iyo Dhaqaalleba.
8-Ka Fogaanshadda Waxyaabaha Ummadda kala Fogeeynaaya.
9-Taageeridda Buuxdda ee Muqaawadda Xaqa ah.
10-U Gargaaridda Dadkeena Tabaaleeysan.

-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-England-UK- 28/05/2007-
sharifhassan50@yahoo.com

Afeef: Aragtid qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

May 29, 2007