Boqor Salman oo ka farxiyay Dadka u dhashay Qadar ee doonaya in ay soo xajiyaan

  1. Boqortooyada Sacuudiga ayaa u ogolaatay shacabka u dhashay dalka Qadar in ay imaan karaan Sacuudiga ayna waajibaadka xajka gudan karaan, waxaana dadkaasi la siiyay fursad kale oo aad qaali u ah.

    Boqorka Sacuudiga Salmaan Binu Cabdi Caziiz ayaa sheegay in uu cafiyay kana laabtay shuruudo adag oo horey loogu xiray dadka u dhashay Qadar ee imaanaya Sacuudiga gaar ahaan kuwa doonaya in ay xajiyaan.

    Sacuudiga ayaa diyaarado u diraya magaalada Doha ee caasimada dalka Qadar si ay usoo daabulaan dadka u dhashay Qadar ee doonaya in ay soo xajiyaan, waxaana qarashka ku baxaya diyaaradahaasi bixinaya Boqor Salmaan,

    Dowlada Sacuudiga ayaa sidoo kale wada qorshe ay ku fureyso xuduuda ay la wadaagto dalka Qadar si dadka u dhashay dalkaasi loogu fududeeyo in ay yimaadaan Sacuudiga una gutaan waajibaadka Xajka.

    Sacuudiga ayaa horey loogu eedeeyay in uu siyaasadeysay Cibaadada ayna Muwaadiniinta u dhashay Qadar ka hor istaagayso in ay xajka yimaadaan, Warkaasi ayaasa hada u muuqda mid meesha ka baxay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: