Waxaan wareesi xiiso badan la yeelanay Con macoow waxana uu ka hadlayaa xalada iminka tagan ee Somaliya .

Guji halkan

Siyaradii Abahii Samale oo lagu qabtay Sweden

                    


Baraarujin Qaybtii 2aad

Warqadii aan qoray 11sano ka hor oo weli taagan

Waxaan halkaan idinkugu soo gudbinyaa, fax aan u diray BBC, taariikhdu
markay ahayd 18.8.96. Fax waxaan qoray ka dib markii weerarkii bahalnimada
aha lagu soo qaaday, wadaadadii iyo shacabkii degenaa gobalka Geddo.
Dagaalkaaas wuu dhacay habeen nimadii iyo maalintii Jimcaha ahayd ee
taariikhdu ahayd 9.8.1996. Qoraalkaas waa mid weli taagan, qoraalkaas waxaan
qoray Taariikdu markay ahayd 18.8.96, Qoraalkiina waana kan isagoo waxna
laga dhimin waxna lagu darin:-

Ku: Dadka Soomaaliyeed

Mahad iyo annaan Alle keligii bay u sugnaatay. Nebigeenii Muxamed (S.C.W)
iyo eheladiisiina, naxariis iyo nabad Alle ha korkooda ha ahaato.
Walaalayaal waad ogtihiin in Dawlada Itoobiya ku soo duushay dalka
Soomaaliya meelo ka mid ah, iyadoo marmarsiiyo ka dhiganaysa waxaanu u
soconaa dad argagaxiso ah! Hadaba waa su,aale ma qof gurigiisa loogu yimid
ayaa argagaxiso ah mise kii ku soo duulay ayaa ah argagaxiso, jawaabtu waxa
weeye kii soo duulay ayaa ah argagaxiso. Tan kale Dawladda Itoobiya waa la
ogyahay ula-jeedadeeda oo waxay doonaysaa in ay dhamayso, dadka ku
abtirsadda Islaamka, waayo cadawtinimadooda ayaa kuu cadaynaysa. Waxaan
filayaa in dad badan ay ka warqabaan Dawladda Itoobiyaiyo Islaamka wixii soo
dhex maray, waqtigii boqorkii Xayle Salaase xukumayay dawladda Itoobiya
wuxuu soo saaray qorsho uu 15-sano gudeheeda ku cirib tiro Muslimiinta,
qorshahaas isaga oo ku faanaya wuxuu ka jeediyay kongareeska Maraykanka
hortiisa,uuna ugu sheegayay si uu muslimiinta u layliyo, in uu soo saaray
qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen, in muslimiinta u rukuucdo oo ay u
foorarsato shaqaalaha dawladda, qofkii aan sidaa yeelina la dilo, wuxuu
kaloo amar ku bixiyey in dugsiyadda Muslimiinta la xiro, laguna bedelo
dugsiyo Kirishtaan ah, iyadoo Muslimiintii lagu amray in caruurtooda keenaan
dugsiyada Kirishtaanka si loo gaaleysiiyo. Hadaba qof walboow ogoow in
dawlada itoobiya, Maraykanka iyo inta baadilka ku raacsan, in ay soomaaliya
la doonayaan sida aan soo sheegnay, hadaba waa in aan hurdada ka kacnaa una
diyaar garoownaa wixii aanu kala hortagi lahayn. Waxaa calool xumo ah in aan
anaga dhexdeenii is dagaalayno ama wax iska sheegayno, hadaba waxaan dadka
soomaaliyeed ee dhexdooda dagaalamaya kula talinayaa in ay dagaalka
joojiyaan oo ay Illaahay u toobad keenaan, waana in ay gartaan ula jeedada
dagaalkooda ka danbaysa oo yaysan u diririn dad u tartamaya xukun raadis, ee
ha taageereen dadka raba in ay soo celiyaan Islaamka sharaftii uu lahaa.
Alle weyne wuxuu quraankiisa ku yiri:- Kuwa Xaqa rumeeyoow ma idin tusiyaa
ganacsi idinka koriya cadaab daran, waa inaad rumaysaan Allaah iyo
Rasuulkiisa, oo ku jihaadaan arinka alle naf iyo maal, sidaas baa idiin
khayr badan, haddii aad ogaan lahaydeen, wuxuu idiin dhaafi doonaa
denbiyadiina, oo idin gelin doonaa Janooyin ay hoostoodu wabiyadu qulqulaan
(dareerayso)Iyo guryo wanaagsan oo ku dhex yaala Jannada
cadnin(nagaanshaha), taasina waa liibaanweyn, wuxuuna idinsiin doonaamid
kaloo aad jeceshihiin, oo hiil Alle iyo guul dhow ah, u bishaaree Muxamadoow
(S.C.W) mu, miniinta.
Suurutu as-saff aayadaha 10 ilaa 13.
Ugu danbayntii waxaan soomaali oo dhan leeyahay, Illaahay ka baqa oo
cadawgiina isku meel uga soo wada jeedsadda. Illaahay waxaan ka baryayaa
inuu cadawgeena hoojiyo aamiin.

Halkaas waxaa ku dhamaaday faxkii aan u diray BBC, waxaana ka soo wareegtay
11 sano, Illaahay mahaddii haddii aan soo gaaray cimrigaas, hadaba
soomaliyeey cadawga soomaaliya 11 sano ka dib ku soo dulaay, waa isla kii
hore, waxaan xasuusinayaa dadka Soomaaliyeed dagaalkii goboladda Geddo lagu
soo qaaday 11 sano ka hor in maraykanku ay wadeen diyaaradaha dagaalka ee
Helicopterka ahaa ee lagu laynayay shacabkeena ,Maantana maraykanka Wuxuu
shacabkeenii ku laayey Diyaaradaha uu haysto nooc walba ah.Mar walba waxaan
leenahay kuwa cadawga nagu soo hogaamiyey, iyo kuwa dhaqaalaha ku bixiya iyo
kuwa qalbiga ka taageersan, waa isku mid dhamaantood, waxaan leeyahay
adduunyadaan waa laga tegayaa, marka aakhiro la tago idinkaa ka shalayn
waxaad samayseen., shaydaan iyo gaalada idin siraysa cadaabka Alle ha idinka
badbaadiyeen.
Qaybta sadexaad ee maqaalka baraarujinta waxaan ku soo qaadayaa qaabkii uu u
dhacay dagaalkii Geddo ee ay soo qaadeen Itoobiyaanka iyo baaq ay ka soo
saareen odayaal reer Geddo ah.

La soco qaybaha danbe haddii Rabbi idmo.


Walaalkiin fil islaam C.raxmaan C.laahi
waaislaamaah@hotmail.com

                     

Waa Kuma Masuulka dagaalo sokeey oo 16 sano ah ka dib Soomaali oo dhan bad baadiyay oo 80% laga taageeray gobolada dalka soomaaliya oo dhan

Nadaara ma waxa uu u afdubnaa Con yusuf Misse Xub sireed

Ma   Safarad baa mise xaruntii gumesiga

Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabad,Midnimada iyo Cadaaladda Akhri 

Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada iyo Cadaaladda

waxeey si weyn u soo dhoweeyneeysaa Khidaabka Diineed oo xaqa ah
wuuna jeediyeey Jimcihii la soo dhaafay 27/04/2007 Dalka Dooxa.