Maqaalo Baraarujin ah
Qore: C/raxmaan C/laahi

YAA DUMIYAY MAAMULKII MAXKAMADAHA???

Ma gurmashaa mise waa gumaysi

WARQAD FURAN (Open Letter)

Yaa la jihadeesa?

Waa bayaan ay soo saareen mujaahidiintii Waqooyi Bari

Baraarujin qaybtii 3aad

Baraarujin Qaybtii 2aad

Baraarujin Qaybtii 1aad

Qore: C/raxmaan C/laahi

       

Dhalaankii SomaaliyeedQaarna ma Waxaa Agoomeeyay Hobiyaha  Gumeysiga, Qarna ma Waxaa Daycay liska Qurbaha Iyo Palk talk.
 
 
Aqristoow Waxaan Wada Ogsonahay Dhibatada maanta ka taagan.

Dalkeenii Hooyo Iyo waliba dhibka Heeysata Dadkeeniin. Hadaba Waxba Waxbaa Ka Daranae Waxeey dhibaatada si toos ah iyo  si dadbanba ugu dhaceeysaa Dhalaankii Ubaxii Somaaliyeed oo naqan lahaa Hogaamiyaashii Barito wadanka u aayi lahaa.  Caruurtii Soomaliyeed ee iyagu waxna Galabsan  waxeey gacanta u Galeen Gumeysi aan u naxeeyn. waxaa  si Garda ah dalkeenii ku qabsaday  Cadow soo jiraa ah oo wax badan ku taamayaya inuu maruun ku dhigo  gacanta  dalka Soomaliyeed. Hadaba waxaa u  si aan naxariis lahayn ugu  hor xasuuqay  Caruurtii Soomaliyeed Aabayaashood iyo Hooyooyinkood iyo Casabadoodii. Ilaahoow xaqa u hiili.
waxaa is weydiin leh  ilmaha maanta aabahooda lagu hor gowracay  maxeey niyadiisu ama hamigiisu ku danbeeyn xataa hadoow aduunka ku sii noolaado uu sii joogaba. waxaa ayaandaro taa ka sii daran kuwa maanta u fududeeyay Gumeysiga iyo cadowga soo jireenka inay  caruurtii soomaliyeed sidaas aayahooda ku danbeeyo. aan waliba dan ka lahayn waxa  ku dhacay   Ilmahaasi iyagu ah  kuwo lagu gardarooday.
 
Waxaa iyaduna  Xusid Mudan Ilmaha  nasiibkoodu  u ogolaaday inay Qurbaha  yimaadaan oo waalidiintoodii la soo carareen. Suaashu waa maxeey ilmahaasi uga nasiib badan yahiin kuwa dalkii lagu xasuuqayo. jawaabta aqristoow  adigaan kuu daayay.  Waxay la kulmeen kuwii qurbaha yimid  ok waxeey heleen tacliin aan ahayn tii ilaahay  na faray inaan  ku dadaalno, iyo  dhaqaaalo ay ku noolaadaan  iyo caafimaad . Laakiin aqristoow waxaa dariishada ka baxday  tarbiyadii Islaamka iyo  dhqankii soomaliyeed inay ilamahaas   qabsadaan. waxaa runtiina dayacay walidiintii  ula soo baqooshay  dhulalaka ay hada joogaan. waalidiintii maxeey  ku lumiyeen caruurtoodii. waa mida horee  Familkii yimid iyagoo is wata  qurbaha  durbadiiba waxaa  lagu  bilaabay in la kala jab jabjiabiyo iyadoo si dadban loogu soo gabanayo waan ku caawineeynaa iyo wax baan kula qabaneeynaa. Hooyadii soomaliyeed waxaa loo tusiyaya saygeedii inuu yahay Cadowgeeda koowaad uu duudsiyaya xaqeedii waliba lagu dhiirigaliyaya in sideey rabto ay ka yeesho ninkeeda. Taasi waxeey hooyooyin badan  ku dhiiradeen inay nimankoodii ay si sahala irida uga saaraan. Maxaa taasi  laga dhaxlay in Ilmahii ay  familkaasi wada heeysteen ku soo harto hooyo kaligeeda markaasna uu  GAALKII KA HELO  DARIISHAD UU CUNUGII  UGA SOO GALO SIDUU RABANA KA YEELO.  MEESHII UU AABAHII  KA BAXAY WAXAA BUUXIYAYA BOOSKEEDII  tv + darsin uu gaal soo siiyo+ inuu cunugii  sidoow rabo u yeelo  kuwa dumiyya qoyskooda. \
 
Mida Kale ee familada Somaliyeed kala jabisay waxaa ugu weyn  aalada internet Taasi oo ay barteen hooyooyin badan  ayna  door bideen inay inteey Caruurtoodii iyo Ninkoodi ka fakiri lahaayeen ay waqti badan ku lumiyaan  inay halkaasi ka sheekeeyaan  halkaasina ay ku lunto kalsoonidii ay reerku ku wada joogeen. Ilmahiina u ku waayo jaceeylkii waalidnimo. waa ayaandaro naag  ninkeedii ceyrisay  hadana  waqti ku lumineeysa mid aysan  aqoon waxoow yahay iyo halkoow nolosha aduunka uga jiro. midaas waxeey lumisay ama lagu waayay in cunugii Somaliyeed ku waayo Tarbiyad uu ka heli lahaa walidkiisa . Ilaahoow  adigaan kuu soo bandhignay  arinta maanta dhalaankeenii heysata ilaahoow  waan kuu toobad keenay   naxriistaada  barinay ilaahoow u naxariiso Dhlaankeena maanta dhibka heeysatana ka saar.
 
aqristoow waa warqad Furan ku soo biiri waxii fikrad ah aad heyso ?

Hooyo somaliyeed oo dhibka dareentay.

Aqriste Fikirkan waxa uu gaar u yahay Qoraga.

 

       

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 Maqaalo Baraarujin ah
Qore: C/raxmaan C/laahi

YAA DUMIYAY MAAMULKII MAXKAMADAHA???

Ma gurmashaa mise waa gumaysi

WARQAD FURAN (Open Letter)

Yaa la jihadeesa?

Waa bayaan ay soo saareen mujaahidiintii Waqooyi Bari

Baraarujin qaybtii 3aad

Baraarujin Qaybtii 2aad

Baraarujin Qaybtii 1aad

Qore: C/raxmaan C/laahi