Maqaalo Baraarujin ah
Qore: C/raxmaan C/laahi

YAA DUMIYAY MAAMULKII MAXKAMADAHA???

Ma gurmashaa mise waa gumaysi

WARQAD FURAN (Open Letter)

Yaa la jihadeesa?

Waa bayaan ay soo saareen mujaahidiintii Waqooyi Bari

Baraarujin qaybtii 3aad

Baraarujin Qaybtii 2aad

Baraarujin Qaybtii 1aad

Qore: C/raxmaan C/laahi

       

 

 

       

SIYAASADDII  AAN LA YAABAY!!


"ADEER NIDAAM WAXBA NOOMA SHEEGAYO INAGAA GARANAYNA WAANU ISKA NOOLAANJIRNAYE INAGA
DAA!!"eryadani yey kula noqon kartaa in ay kasoo yeeraan? hubaal aniga haddii aad
su,aashan i waydiin lahayd waxaan ku dhihi lahaa ama aan ku qiyaasi lahaa in uu ku
hadaaqay mid ka mid ah qaybaha caadiga ah ee bulshada oo waxoogaa ka biya diidaya in
uu raaco nidaam loogu baaqay in uu fuliyo, Maya! maahan ee waxaan ku dhihi lahaa waa
eray uu yiri malaha ruux laga keenay meel aan nidaamba ka jirin oo aan fahansanayn
waxa uu nidaamba yahay isla markaana doonaya in uu sida uu isagu jecelyahay  wax u
maareeyo, Maya! ee waxaan ku dhihi lahaa waxaa yiri qof......    Rumayso ama ha
rumaysan hadaladaa waxaa ku dhawaaqay madaxa ugu sareeya dalka soomaaliya ee loogu
tala galay in uu noqdo qofka ugu horeeya ee nidaamka ilaaliya isla markaana dadka u
horseeda kuna haga in ay nidaamka raacaan, waa madaxweyne c/laahi yuusuf axmad.    
   Waa la arkaa in qaarkiin uu ii qaato in aan doonayo in aan ninka si gooni ah u
weeraro laakiin xaqiiqdu ma ahan mid la tiri karo taariihduna way qorantahay,
dabaayaqadii sanadkii 2004 tii waqti aan badnayn kadib markii madaxwaynaha lagu
caleemo saaray ayaan ka mid ahaa dad nasiib u yeeshay in madaxwaynaha ay qudbad uga
dhegaystaan mid kamid ah wadamada afrika oo uu booqasho ku tegay, runtiina waxaan
aad u danaynaynay aniga iyo in badan oo ila mid ah in aan madaxwaynaheena ka maqalno
barnaamijkiisa siyaasadeed ee ku aadan xasilinta wadanka ay xasaradaha dagaaladu
halbowlaha jareen mudadaan danbe, anigoo aad u filayey in madaxwaynuhu uu noosoo
bandhigi doono barnaamij aan aad ugu qiyaasayey in uu lahaan doono qayb dhiigjoojin
aan ku qiyaasay oo aan ugu danleeyahay in uu wax kaga qaban doono xaaladda degdegga
ah ee markaa taagan oo aan ula jeedo marxaladda hore ee loo baahnaa markaa in wax
laga qabto, iyadoo ay intaas noo dheerayd in aan aad ugu hammuun qabnay in sida
arday badan oo nala mid ahayd oo kakala timid wadamo badan oo aan wax wada
baranaynay ay u leeyihiin mas,uuliyiin sarsare oo ay arrimaha wadankooda kala
xiriiraan kuna dhaataan marka laga hadlayo himilada sare ee dhanka qaranimada ku
beegan, waxba yaan hadal kugu daaline wax kastoo la filaba mar uunbaa lasoo hor
fariistaaye madaxwayneheenii wuu yimid waxaana naloo qaabeeyey kulan balaaran oo aan
la yeelano kaasoo ka dhacay rug wayn oo shirarka caalamiga ah lagu qaato, musiibadu
waxay bilaabatay markii howl wadeenadii amniga lala socodsiiyey in madaxweynuhu uu
codsaday in laga baaro ardayda uu la kulmayo oo mid mid looga hubiyo taasoo aad uga
yaabisay howl wadeenadii wadankii uu madaxweynuhu martida u ahaa, si kastabase waanu
soo galnay goobtii aannu madaxwaynaha iyo wafdiga la socda kula qaadan lahayn
kulanka.    Waxaan sii diyaarsanahay su,aalo badan oo ku saabsanaa dhammaantood
siyaasadda uu madaxweynuhu doonayo in uu ku hanto dhibaatada taagan iyo sida uu
doonayo in uu ku hago qaran sanadaha soo socda, anagoo aad u aaminsanayn in aan xaq
u leenahay in aan helno jawaabaha ku aadan, hayeeshee taasi ma dhicin oo
madaxweynuhu marna barnaamij siyaasadeed noogama hadlin iyo wax na quseeya isla
markaana nalooma ogolaan in aan wax su,aal ah waydiino oo waanalagu caburiyey, waxa
uu madaxweynuhu hadal nooga bilaabay, HORTA MIYAAD OGTIHIIN IN AAN ANIGU AHAY NINKII
UGU HOREEYEY EE NIDAAM SOOMAALIYEED OO JIRA QORAY U QAATAY OO LA DAGAALAMAY!!.
waxaana uu kusoo gunaanaday eray lala yaabay kadib markii safiirkii soomaaliya u
fadhiyey wadankaas oo kulanka joogay uu madaxwaynaha si hoose ugu sheegay in lagu
wargeliyey in uu dhammaaday waqtigii loogu tala galay kulanka waayo runtii waqti
badan ayaan fadhinay meesha, laakiin madaxweynuhu intuu qoslay oo kor u hadlay ayuu
ku yiri" ADEER NIDAAM WAXBA NOOMA SHEEGAYO INAGAA GARANAYNA WAANU ISKA NOOLAAN
JIRNAYE INAGA DAA!!" wuxuuna madaxweynuhu in door ah sii taagnaa iyadoo raggii loogu
tal galay in ay amnigiisa ilaaliyaan ay isku diyaariyeen in ay baxaan oo ay dhanka
iridda isku sii beegeen.    Waxaa wax lala yaabo noqotay in madaxweynihii dhammaa ee
loo doortay in uu qaranka maamulo uu qudbadii uu noo jeedinayey oo socotay muddo
1.48 (halsaac iyo afartan iyo sideed daqiiqo) aanu kusoo qaadan wax aan ahayn in uu
noo faano oo uu yiraahdo waxbaan dili jiray iyo waan dagaalami jiray iyo in uu caayo
oo wax ka sheego qaar kamid ah ka qayb galayaashii meesha joogay oo uu hayb gartay,
waxaase kasii darnayd in meeshii uu nidaamka iyo kala dambaynta ku baaqi lahaa uu
isagu dadkii uu madaxwaynaha u ahaa hortooda ka sheegayo in uusan nidaam waxba u
sheegayn oo uu iska noolaan jiray isagoo weliba dal shisheeya jooga.   Waxaan
naftayda ku qanciyey in uu bani,aadam yahay oo uu qaldami karo ayna waajib tahay in
inta aan wax laga sheegin fursad la siiyo in kastoo dadka horay u yaqaanay oo iga
da,da wayn ay fikradan igu diidanaayeen hadana aragtidaa anigaa ku qanacsanaa, balse
taasi waxba sooma kordhin oo madaxweynuhu markii loogu baahida badnaa ee ay ahayd in
uu siyaasadda isticmaalo oo uu wax badan xeeriyo ayaa owrkii dhexda kaga lumay, oo
waatuu jowhar tegay isla markaana qudbaddii caanka ahayd uu ka jeediyey oo uu yiri
CIDDII NAGA HORTIMAADA DAADKA AYAA QAADAYA iyadoo ay wax badan oo kale oo uu yiri ka
horeeyeen, arrinkuse wixii markaa ka dambeeyey wuu sii cakirmayey oo c/laahi mar
kasta oo uu afka kala qaado wuxuu luminayey ugu yaraan 30% tageerayaashii nidaamkii
lagu soo unkay kenya, isagoo ugu dambayntii meel cad soo istaagay runtiisuna ay soo
baxday oo lasoo baxay gacantiisii labaad,    C/laahi weli malahan aragti ku qotonta
in waxa uu ku jiraa ay tahay siyaasad waraysiyadii ugu dambeeyey ee uu dhiibayna
weli waxay tilmaamayaan in uu kasii darayo oo aanu weligii baranayn siyaasadda iyo
habka loo maareeyo qaran ummadu leedahay u fiirso "KII CAASHA DHEERAA EE
AMEERIKAANKA AHAA INKAARQABAHAA MAGACIISU MUXUU AHAA?" erayadan waxay ka mid
ahaayeen erayo badan oo aad u foolxun oo uu madaxweynuhu kahor jeediyey barlamaanka
nov. sanadkii hore adigaan ku waydiiyey ee ma yihiin erayo siyaasi madaxweyne dhan
oo wadan u qalma.    "MAAMULKA UU RIYAALE MADAXDA KA YAHAY IYO ALSHABAAB WAXAY
DOONAYAAN IN AY RIDAAN PUNTLAND IYO DOWLADDA F.KMG."eryadani waxay ka mid ahaayeen
waraysiyadii ugu dambeeyey ee uu C/laahi bixiyey waxaanse kala fahmi waayey oo
sugayaa ciddii ii sheegi lahayd in puntland iyo somaliland c/laahi ugu kala
gedisanyihiin haddii uu dalka oodhan madaxweyne u yahay haddiise puntland ay
soomaaliya kamid tahay maxaa iyada iyo dowladda laysu barbar dhigay waa su,aal aan
jawaabteeda weli helin.    NIMANKA WAXAAN LEEYAHAY HA ISKU DHEERAYNINA ADINKU
WAQTIGA DOWLADDU WAY JOOGAYSAA.waxay ka mid ahaayeen erayadani waraysiguu ugu
dambeeyey ee tvga taagta daran ee Universal uu la yeeshay c/laahi yuusuf oo uu
awoodi waayey in uu qarsado damaca u laaban ee ah in uu waqtiga kordhisto marka uu
dhammaado waqtiguusu, waxaan aad ula yaabay nuuca ay tahay siyaasadda uu c/laahi
raaco, iyo halka uu kasoo bartay.                                         Mahad
Xaashi Maxamed.  Email....
dhigifyare@hotmail.co.uk

 

 

 

 Maqaalo Baraarujin ah
Qore: C/raxmaan C/laahi

YAA DUMIYAY MAAMULKII MAXKAMADAHA???

Ma gurmashaa mise waa gumaysi

WARQAD FURAN (Open Letter)

Yaa la jihadeesa?

Waa bayaan ay soo saareen mujaahidiintii Waqooyi Bari

Baraarujin qaybtii 3aad

Baraarujin Qaybtii 2aad

Baraarujin Qaybtii 1aad

Qore: C/raxmaan C/laahi